Reer Hargeysa iyo Map muran ka taagan yahay cidda samaysay iyo ujeedada ka dambaysa

Maxay Xukuumadda Somaliland Ka Tidhi Maab (Map) Halis Ku Ah Qarannimada Dalka, Gobolada Galbeedkana Qaab Beelaysan U Kala Qaybiynaya, Dhibaatona Ka Dhex Abuuri Gaadhay Somaliland Iyo Jabuuti Oo Jihooyin Aan La Shaacini Dhawaan Ku Qaybiyeen Badhtamaha Jabuuti?

  Agaasimaha Dawladaha Hoose ee Wasaaradda Arimaha Gudaha Somaliland Cabdifataax Siciid Axmed ayaa shaaca qaaday inay gacanta ku dhigeen Maab khatar ku ah Qaranimada Somaliland oo loo qaybiyay Dadka ku dhaqan dalka aynu jaarka nahay ee Djabuuti,Waxa uu Agaasime Cabdifataax balan ku qaaday inay dabagal ku samaynayaa cidii falkani samaysay islamarkaana ay Waajibkooda Sharci ka gudan doonaan,Waxa uu warbaahinta tusay Maab gabi ahaanba ka soo horjeeda Khariirada Somaliland islamarkaana qabiilooyin iyo degmooyin loogu qaybiyay.
Agaasimaha Guud ee Dawladaha Hoose ee Wasaaradda Arimaha Gudaha Somaliland Md Cabdifataax oo Shalay warbaahinta kula hadlay Xafiiskiisa Wasaaradda Arimaha gudaha ayaa tilmaamay in cidii falkaasi samaysay ay baadhis ku hayaan islamarkaana ay sharciga horkeeni doonaan,Waxaanu raaligalin ka siiyay Masuuliyiinta Dawada Jabuuti oo uu sheegay inay arintaasi iska arkeen,oo ay kawada hadleen“Waxa Weeyaan Map Khaldan oo loo qaybiyay Dadka Jabuuti,Waliba dad masuuliyiin ah oo aanu la kulanay,Waa Map Khaldan oo aanay waxba ka jirin Runtii,Sidaad arkaysaan waxaa la sameeyay 2013-kii,Khaladka ugu horeeyaa waxa weeyaan,Somaliland Xuduudaheedii ayaa dhawr meelood loo qaybiyay,oo aanay waxba ka jirin,Maababka Somaliland iyo Xuduudaha la ictiraafsan yahay waa kuwii lixdankii,Kuwaasi ayaa sax ah,kuwaasi ayaa dastuurkeena ku qoran,Kuwaasi ayay Xukuumaddanina ka shaqaynaysaa,Waliba gaar ahaan Wasaaradda Arimaha Gudaha,oo Somaliland oo dhan u qaabilsan Kala xadaynta Dhulka”.
Waxa kale oo uu yidhi isagoo arintaasi ka hadlaya“Maabkani waa waa Maab aanay waxba ka jirin oo been abuur ah,Waxaanu runtii ka raali galinaynaa Xukuumadda Jabuuti,Dadka aanu walaalaha nahay,iyo Masuuliyiinta aanu kala kulanay oo runtii Maabkan si khalad ah loogu gudbiyay,cidii ka dambaysay falkana waanu daba galaynaa,Sharciga ayaan la tiigsan doonaa Cidan Waxan samaysay ee doonaysa inay iska kaaya horkeento dawlada aanu jaarka nahay ee Jabuuti,Dusha sare waxaa lagu qoray Maabkan, Isaaq Districts,Midabka Huruuda ahna Waxaa lagu qoray “Gadabuursi Districts”,Wixii intaasi ka soo hadhay ee Saylacna waxaa la siiyay Itoobiya”. Waa markii u horaysay ee Maab noocan oo kale ah oo lagu dacaayadaynayo Qaranimada Somaliland lagu arkay Wadamada aynu jaarka nahay,waxaana uu Agaasimuhu sheegay inay aaminsan yihiin inay falkani fuliyeen dad ujeedo gaar ah leh oo doonaya inay Labada Dal ee Somaliland iyo Jabuuti madaxa isku galiyaan.