Haddi wax la xaddo lana soo Qaban Waayo kii wax Xaday Waxaa la qabtaa kii wax Xaddi Jiray

Bismilaahi Raxmaanaraxiim,

Marka Hore,Waxaan soo Gudbinaya salaanta

islamka,asalama calaykum,Marka labaadna,Waxaan raba inaan,sida aniga
ila tahay,waxa ka sheego ,wax Maam loo egaysiiyey,oo gacan-ku-rimis ah,
kuna saabsanayd xaduuda u dhaxaysa jamhuuriyadda  Jabuuti iyo Maamulka Soomaliland,
taasoo malaha looga jeeday uun in xumaan  laga dhex abuuro labadooda.
Inkasta oo ninka u Hadlayey Maamulka Soomaliland,u sheegay inay ka xun yihiin,
isla Markaasna ku raad joogaan cidii ka dambaysay Maamkan,hayeeshee, haddii
wax la xaddo,lana soo qaban waayo,kii wax xaday,waxa la qabta kii wax xadii
jiray. Mar haddii,ay kasoo dacwootay Maamkan qaldan,Soomalilandna sheegtay
inay ka yaabantahay,kuna raad joogto,cidii ka damaysay, waxaa qasab ah in dhusha loo saaro,cida  ku muujisay inay iyadu leedahay dhulkas.tasoo ah wax
lagu qosli karo.
Salal oo ay ku jirto Magaalo madaxda gobolka  ee Saylac,wax lagu muujiyey inay
ka tirsan tahay dhulka Itoobiya,halka qayb ka mid ahna lagu sheegay in beel ka
tirsan beelaha dega Soomaliland leedahay tasoo ayna waxba ka jirin.
Sidas darteed,saw lama odhan karo,inay kuwa isku qoray dhul aysan lahayn  si
cad uga damabeeyaan arrinta,danta kaliya ee laga leeyahayna ay tahay in laiska
horkeenno,jamhurriyadda Djibouti oo asal ku abtirsada Saylac iyo Maamulka Soomaliland,tasoo aan marna dhcaynin.
Allaa Mahad leh
 Qore;H.M.Warsame