Urur siyaasadeed reer djibouti ah oo maanta brussels lagaga dhawaaqay magaciisuna yahay F.P.C

Brussel(XeerNews24)

Shirweyne aad u balaadhan oo ay iskugu yimaadeen dad tiradoodu aad u balaadhan tahay oo ka kala yimiday qaarada yurub, afrka ,usa & canadaba oo dhamaantood ah qurbo joogta reer djibouti.

Ururkan cusub ee macaaradka ah oo maanta lagaga dhawaaqey caasimadda qaarada yurub ee brussels & waliba dalka djibouti ururkaas oo magaciisa loo bixiyey ( force progressiste pour le changement F.P.C ururkan cusub ee macaaradka ah waxaa ku midoobey dhamaan shacabka reer djibouti.

Ugu horeyntii waxaa halkaas ka hadley siyaasiga weyn ee reer djibouti mohamed ahmed abdillahi ( boss) wuxuuna sheegay sabobta loo sameeyey xisbigan cusub ee mucaaradka ah,ujeedadiisuna ay tahay inuu dhamaan matalo shacabka reer djibouti meel kasta oo ay joogaanba.

Kadib burburkii ku dhacay daladii mucaaradka ahayd ee marka magaceeda la soo gaabiyo la yidhaahdo USN .

Waxaa kalifay inaan sameynu ururkan F.P.C (force progressiste pour le changement) kadib niyad jab aad u weyn oo shacabka reer jabuuti ay kalakulmeen nimankii u sheegan jiray mucaaradka ee la baxay dalada USN.

Daladaasi USN markii ay fashilantey Ayaa waxaa soo baxay duufaano siyaasadeed oo cusub kana soo maaxday dhalinyarada reer jabuuti oo dhan meelkasta oo ay kaga noolyihiin aduunyada,waxay u baahdeen iney helaan xoogag cusub oo iyagu ay hurmood ka yihiin,tiibana maanta isku keenkeentey halkan.

Siyaasigan weyn ee reer jabuuti mohamed ahmed abdillahi (boss) wuxuu ku soo gabo gabeeyay hadalkiisa :Dhayal laguma haystiyo, xornimo dhidid la’aantiis
Marna waa in dhiig loo huraa, amase dheecaane.

Waxa kale oo isna halkaasi si wanaagsan uga hadley orod yahanka caanka ah yaxye aaden ayaa isna wuxuu ka hadley wanaaga ay leedahay midnimadu waana inaan isku duubnanaa si aan u gaadhno hiigsiga aan rabno oo ah dalkeena jabuuti inuu nqqdo dal dumuqraadi ah oo xorna ah.

Gaar ahaan wuxuu ka sheekeeyey wanaaga uu leeyahay isboortiku oo ah mid ay uu baahay yihiin dhalinyarada reer jabuuti taasoo ah mid ay isku bartaan dhalintu meelkasta oo ay ka joogaan dalka jabuuti.

Waxaa iyana ka hadley SAMATAR &LIBAN oo ah dhalin aad u firfircoon caana ka ah dalka jabuuti & qaarada yuruba waxayna ku baraaru jinayaan dhalinta inuu u furan yahay ururkan cusubi.

Isku soo wada duubow waxaa meesha iskugu yimiday dad reer jabuuti ah oo u heelan xisbigan mucaaradka ah ee maanta lagaga dhawaaqey dalka BELGIUM.GAAR AHAAN BRUSSELS.

Shacabka reer jabuuti waxay ka sugayaan ururkan cusub: F.P.C (force progressiste pour le changement)inuu u qabto wixii ay ka waayeen kuwii hore.

XAFIISKA URURKA: F.P.C (force progressiste pour le changement)
Brussels belgium.