Xaalad Abaareed Oo Ku Soo Laba Kaclaysay Degaano Ka Tirsan Gobolka Salal Oo Qaylo-dhaan Laga Diray

 

Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee WADANI ee gobolka Salal Md. Farxaan Maxamed Yuusuf ayaa ka dayriyay xaalada gurmad la’aneed ee abar baahsan oo uu tilmaamay in ay ku dhufatay degaanada gobolkaasi Salal, abaartaas oo uu tilmaamay in ay tahay mid aad u daran oo dad iyo duunyaba saamaysay.

Gudoomiye Farxaan oo khadka talefanka kula soo xidhiidhay shabakada ayaa u sheegay in degaamadan uu safar ku maray waqti uu ka soo labtay shirkii golaha dhexe ee Xisbiga Wadani waxana isaga oo ka marag kacaya xaalada uu indhaha soo saaray uu yidhi “Dhulku waa abaar, dhirtii way daadatay, xoolahiina waxa ay u itaal daran yihiin si muuqata, waxana aan soo arkay xaalad argagax leh oo abaar ka marag ka caysa, waxana intan u dheeraa dadka degaanada Xeebta iyo buuraha ee gobolka Salal in abaartaas haysataa ay mid dad iyo duunyaba sahayanaysa hadii aanay helin wax gurmad ah”

Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee WADANI ee gobolka Salal Md. Farxaan Maxamed Yuusuf oo hadalka sii wata ayaa waxa uu dhaliilay madaxda Gobolka Salal, gaar ahaan Badhasaabka Gobolkaasi, kaas oo uu ku tilmaamay nin aan warba u hayn xaalada dadka uu maamulo, isla markaana gabay xilkii uu umada u hayay waxana uu yidhi “Dadka gobolka Salal abaarta kulaylkeeda waxa kaga sii xanuun badan sida uu hagoonkoodii u noqday mid ku suntan Wax-jira-moognimo, ma jiro wali qof masuul ah oo gobolka Salal jooga oo ka hadlay xaaladaas, ama soo kormeerayba dadka ay abaaruhu ku soo laba kacleeyeen ee gobolkan, waxa kale oo intan dheer in Badhasaabkii xilka gobolkan hayay uu noqday nin ku jira safari tamashle ah oo uu Saylac iyo Djibouti kaga laba-noqonayo, halka aanu wali mudadaas uu xilka hayo aanu wali soo kormeerin degmooyinka Boon iyo Garbo-dadar ee hoos yimaad maamulkiisa, masuuliyadii la saarayna aya tahay mid u muuqata xil-dameersido, ilaa hadana aanu ka hadlin abaarta ku sii baahaysa gobolka”

Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee WADANI ee gobolka Salal Md. Farxaan Maxamed Yuusuf oo ugu dambayntii qaylo dhaan u diraya cid walba oo ka damqanaysa xaalada abaareed ee ka jirta gobolka Salal waxa uu yidhi “Waxa aan ka digayaa xaalad faraha ka baxda oo sababta dhimasho ay gaajo abaar ka dhalatay sababto, waxana aan baaq u dirayaa dhamaan cidwalba oo gurmad bixisa, waxana aan leeyahay ha la soo gaadho dadka ku dhaqan gobolka Salal oo abaar-guun ah ay ku habsatay”

Bili-Bili