Doorashada Qaran & Diblomasiyada Dirhamka!

Ma,ahan yaab & amankaag in Madaxda Soomalidu ay wadanka dibadiisa u safraan, Laakiin waxaa kadis noqotay in si wadarr ah oo haddana mideysan ay ugu dhoofaan Imaaratka Carabta, waliba xilli kala guur ah, ayadoo lagu jiro diyaarinta doorashada Golayaasha Dowladda, laakin sida muuqata waa safar laga maarmi waayay oo ay daruuro keentay.

Safarkan waxaa ka muuqda, daneynta Imaraatka Carabta ee Soomaaliya & dhiiranaanta Diblomaasiyadeeda, haddii kol hore ololaha Doorasho ee Soomaaliya, uu dal walba u soo diri jiray wakiil matala oo ka soo dega Gagida Aadan Cadde, Doorashada sanadkan waa mid ka duwan, Xubnihii ugu cuslaa ee Madasha Qaran, ayaa intooda badan waxey ka dageen, Caasimadda dal qorsheynayo in uu Soomaaliya awoood cusub ka noqdo, taa oo aan dhihi karno waa Diblomasiyad feydan oo aan astur laheyn, kana muuqata cabsi la,aan & kalsooni buuxda oo ay ka qabaan Madaxda Soomaalida & waliba Soomaali oo dhan.!!!.

SIyaasada Arimaha Dibada waxaa aasaas u ah, ilaalinta danta guud ee Dalka & abuurka dheef Cusub, Qaaamuuska Diblomasiyaduna ma qoro Ixsaan & niyad wanaag toona, waxuuna adeegsadaa asluub kastaa oo lagu xaqiijin karo hadafka u dhigan.

Diblomaasiyada Imaratka Carabta intaa ma ka baxsana, ceeb & eed toona kuma aha in ay Caasimadeeda kulan ugu qabato Madaxda Soomaaliya, haddana ay danteeda ka gaddo, laakiin waxaa shaki ku jira guusha arintaa & cidda Diblomaasiyda Soomaaliya xambaari karta, haddana ka ilaalin karta dheeli tirka danta gaarka ah eelaga leeyahay, si aysan u dhumin danta guud ee Soomaaliya xilligan & xataa Mustaqbalka Jiilka soo koraya.

Diblomaasiyada Qarnigan dhabteedu waa awood, Xoog & Dhaqaale. dal kastaa oo tabar u waaya in uu dhibaatadiisa maareeyo, waxaa lagu wajahaa Diblomasiyad aan miisaaneyn, oo aan wax cod ah siineyn, Suriya, Yaman, Libiya & Ciraq ayaa daliil nooga filan. Soomaaliya haddii aysan la mid noqon, waa ka sii lidataa (Faqri & Afrika)

Soomaliya xaaladihii kala duwanaa ay soo martay kadib, maanta waxaa muuqda Nidaam Dowladeed Dastuuri ah, waxaa kor u kacay baahida Diblomasi ee Soomaaliya, dadaalka Turkiga & Raadka uu reebay, waxay abuurtay dareen wadamada qaar, waxayna banaanka soo dhigtay Loolanka cusub ee wadamada Soomaliya daneeya. haddii kol hore uu tartanka ka dhaxeeyay Wadamada dariska & qaar wadamada carabta (Masar) maanta waxaa ku soo biiray labo Saldhig o oculus oo ay kala matalayaan Imaratka Carabta & Turkiga.

Diblomaasiyada Imaratka carabta ee Soomaliya ma cadda, mana ka muuqato wax qabad Bulsho oo la taaban karo, waa haddii lagu jaangooyo xariirka Turkiga & Soomaliya. Turkigu waxuu helay kalsoonida shacbka, waxuuna dalka ku soo galay Mashaariic Dalka & Bulshadiisa taabatay, halka Imaratku uu xoogga saaray arimaha Amniga & waliba dhigidda heshiisiiyo macno fog, kuwaa oo aan Bulshadu waxba ugu fadhin, waliba si kale oo shaki ah loo akhrin karo, sida heshiiska Badda ee Bar-bara & maal galinta Ciidanka la dagaalama Burcad badeedka ee Boosaaso. intuba waa kuwo shaki galin kara guusha Diblomaasiyada Imaratka ka damacsan tahay Siyaasadda Soomaaliya, si gaar ah Doorashda madaxweyne ee 2017.

Siyaasadda Soomaliya waa hal xidhaale aan si sahlan lagu furin, Hoggaanka matala ma,ahan cidda kaliya ee ka go,do go,aan qaadashada, wax qeybsiga 4.5 waxay macno u tahay in xataa Madaxweynuhu uu kaligiis go,aan laheyn, arintaa waxay caajis galineysaa Diblomaasiyada Dal walba oo raba in uu Soomaliya wax tuso, waxna ka tabco, waxaa intaa sii dheer khilaafka Soomalida u dhaxeeya, kaa oo ku dhisan halka Kusri oo aan qeybsamin & Caqiidada qabiil ee aan la dhaafi karin.

Dadaalka Imartka carabta si kasta uu baqshiish u wato(Dirham & Dolar) ma dhaafi karo xaalka Siyaasi ee Soomaaliya ka taagan, mana la iman karo mustaaxiil ah in uu abuuro madaxweyne uu wato, waxa kaliya uu xaqiijin karaa waa in uu sameysto kutlo siyaasi oo gacan saar la leh labada Gole, kan hoose & midka sare, waana suuro gal in sanado kadib ay noqdaan hoggaan siyaasi oo gaara waxa Imaratka carabta uu hadda Soomaliya ka rabo.

Qore:Mahdi Muuse