Khayraadkii Gobolka Salal oo Bad iyo Bariba Rag aan u Dhalan la salaleen!

 

Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka Ah ee WADANI ee gobolka Salal Md. Farxaan Maxamed Yuusuf ayaa ka dayriyay xaalada gobolka Salal ee wax uu ugu yeedhay xaaluf ba’an oo sahayday khayraadkii bad iyo barriba ee gobolkaasi Salal, xaalufkaas oo uu tilmaamay in uu yahay mid ay masuul ka yihiin masuuliyiinta gobolka Salal iyo Madaxda Wasaardaha Macdanta iyo Khayraadka iyo Kaluumaysiga, sidana waxa uu Gudoomiye Farxaan Sheegay mar uu maanta kula soo xidhiidhay khadka Taleefanka shabakada isaga oo ku sugan magaalada Lawyacado.

lbadaGudoomiye Farxaan oo ugu horayntii ka hadlay xaaluf uu tilmaamay in uu ka socdo bada Saylac ayaa waxa uu yidhi “Badii Saylac waxa ku jira doonyo yaryar oo tiro badan oo ay wataan rag ajinabi ah oo u dhashay dalka Siirilanka, ragaas 24ka saac waxa ay ku jiraan bada, waxana ay gurtaan kharaadkii kaluunka iyo noocyadiisa kala duwan isugu jiray ee bada ee kaydka u ahaa umada reer Somaliland gaar ahaan kuwa reer Salal, ma naqaan meel ay ka yimaadeen, maalinba maalinta ka dambaysana way soo badanayaan, waxana aad moodaa in NAQ-Gaar ahi uu uga da’ay badda Saylac”

Gudoomiye Farxaan oo hadalka sii wata ayaa waxa uu yidhi “Ragaas ajinabiga ah waxa ay gurtaan kaluunka ugu yaryar, waxa ay Jajabin ku hayaan doonyahoodu shacaabidii uu kaluunku ku noolaa ee Badda, maalin walbana waxa ay qashin lixaad leh kaga tagaan xeebaha iyaga oo markaas kaluunka iyo khayraadkii bada ee ay daldasheen la’aada wadamo shisheeye”

laaaGudoomiye Farxaan ayaa sidoo kale tilmaamay xaaluf dhinaca khayraadka barriga ah oo ka socda degaanka Toqoshi ee gobolka Salal waxan auu yidhi “Dhinaca Toqoshi waxa habeen iyo maalin ku jira baabuur waawayn oo caradii degaankaas xamaalanaya kalana talaaba dhinaca xadka, waxana nasiib daro ah in caradii dalku lahaa xitaa ay xukuumadu u soo jeesatay oo ay dalka dibadiisa u waaridayso”

Guoomiye Farxaan ayaa masuuliyada waxan uu ugu yeedhay Xaalufka Kama-dambaysta ah eek u Socda Khayraadkii gobolka Salal dusha ka saray Madaxda Gobolka Salal waxana uu yidhi “Ha noqoto kuwo baabuur ku daldalanaya khayraadkeenii Bariga ama ha noqoto ajinabiga Khayraadkeenii badda Afka u dhigtayba’e waxa iska cad in ay ogolaasho ka haystaan xukuumada, gaar ahaan Maamulka gobolka Salal, waxana aan Cambaaraynayaa in Badhasaabkii Gobolka Salal ee markiisii horaba maqaar saarka ahaa waa Md. Axmed Maxamed Xaashi oo qaaday dhabadii Maamulihii Kastanka Saylac Md. Faysal Dheere oo ay dadka degaanku ugu magac dareen Ma-gafahii-Maaliyada isla markaana ay Sheerar ku darsadeen dad xaalufka baddeena iyo kan barigeenaba ka shaqaynayaa”

loaq1Gudoomiye Farxaan isaga oo hadalka sii wata waxa uu yidhi “Badhaaasbka Salal iyo Maamulaha Kastanka Saylac waxa ay caadaysteen in ay xalaashadaan xoolahii umada laga qaadayay ku takri falkooda, maantana waxa ay dibada ka soo waarideen Shariikado si arxan daro ah u xaalufinaya kharaadkeenii, waxana aan aaminsanahay in aanay ahayn rag umada masuulka looga dhigay u shaqaynaya balse waa rag iyagu soo shaqo tagay oo shaqrciga iyo awooda dawladnimo ka faa’iidaystay kuna takri falay, waxana ay astaan u yihiin sida maamulka dhiig-miiradka ah ee Xisbiga kulmiye uu ugu jiro maalmahii taliskiisa ugu dambaysay islamarkaana ay wadaan qorshayaal ah ka faraqabsi hantida umada ah”
“Waxa aan baaq u dirayaa Wasaaradaha Kaluumaysiga iyo Macdanta ee Somaliland, waxana aan leeyahay arintan wax ka qabta, u malayn maayo in xafiisyadiina ay ka soo baxeen ruqsadahaas xaalufka ogolaanaya, sidoo kalena waxa aan idinku tirtirsiinaynaa in aad indhaha u furtaan xaalada ba’an ee xaalufisay khayraadkii badda iyo bariga ee gobolka Salal” ayuu hadalka kusoo afmeeray Gudoomiye Farxaan.

Maxamed Bili bili