Djibouti ma Soomaalisation ba ka Socta mise Canfarisation?

 

Guumeytihii reer Yurub ka hor inta la hubo ma jirin magaca Djibouti dadka degaankuna waxay ahaayeen dad wada Muslimiin ah oo Canfar iyo Soomaali ba lahaa waxayna ahaayeen dad Xoolada dhaqata ahaa qola walbana waxay lahayd degaan u gaar ahaa inkastoo mararka qaarkood lagu dagaalami jirey ceelka iyo cawska hadana dadku waxay ahaayeen dad jaar ah oo aan kala maarmayn.

Guumeystihii Fransiisku wuxuu soo degey xeebta magaalada Obock wuxuuna ka yagleelay maamuul u isaguu gacantiisa ku samaystahy wuxuuna ku magacaabay (Cote Francais des Somalies ).

Waxaa yaab iyo amankaag ahaa goobta uu ku macsuumay magaca Soomaali ee Obock ah ma jirin hal qof oo soomaali ah ee waxay ahayd degaan Canfareed oo dadku dhamaan canfar yihiin Iyadoo ay sidda tahay ayuu hadana dalku moddo aad u dheer ku magacoowna magacaa marka la soo gaabsho la odhan jiray C.F.S.oo ummadda canfartu aad u necbaayeen sababto ahayd waxay u arkaayeen meel ka dhac iyo asal guurin uu Fransiisku ugu tala galay.

Sannakii 1967-kii wuxuu Fransiisku tala dalka si maqaar saar ah ugu dhiibay nin asal ahaan ka soo jeeda dalka Turkiiga laakiin sheegta in u yahay canfar oo ah Cali Careef Burhan Bey (Bey Af Turkii waa Gudoomiye ama Badhasaab)

Cali Careef magacii u necbaa ee C.F.S. wuxuu isla markiiba ku badalay mid kalee oo ay ummadda Soomaaliyeed inteedi badnayd ka biyo diideen kaas oo ahaa T.F.A.I. marka laga reebo beesha ciise oo magaceega ka dhex aragtay ujeedada qotada dheer ee u Cali Careef ka lahaa T.F.A.I. ayaa ahayd in Soomaali oodhan laga qixiyo dhulka Djibouti marka laga reebo in yar oo ciise ah gaar ahaan deggaanada loo yaaan Jahmarato iyo Casa-Joog wax badana uu ku Guulaystay Cali Careef Siyaasadiisi guumeyste kal-kaalka ahayd wuxuuna dhisay Xaafada Caanka ee Arxiba oo uu ku beeray dad canfar ah oo badankooga laga soo daad Gureeyey magaalada CAWSA ee ku taal dalka Ethiopia halka u dadkii Soomaalida ahaa ee dhulka ay wada lahaayeena ku xukumay Raaf iyo dil.

Macnaha magaca Arxiba af Soomaali ahaan (waa soo dhawaadda) taas ayaa ku markhaati ah in ay ahaayeen dad aan degaanka u dhalan oo meel kale laga soo raray dhul cusubna lagu soo dhaweeyey walina ila maanta Canfarta Djibouti iskama badalin magacaa cadaynta u ah in ay magaalada Djibouti ku yihiin soo galayti balse way ku qab wayn yihiin.

Sannadkii 1977-kii waxaa meesha ka baxay oo taarkh iyo Sooyaal laga soo gudbay Noqday labaddi magac ee C.F.S.iyo T.F.A.I. waxaana noo baryey waa cusub Dawladnimo cusub Calan cusub iyo magac cusub oo ah kan maanta dad badan oo reer Djibouti ah ku caana maaleen ee ah Jahmuuriyadda Djibouti dhulkiina wuxuu noqday handi ay dawlada Djibouti masuul ka tahay oo aan reernimo iyo qowmiyad ku salaysnayn oo qof walba oo reer Djibouti ah wuxuu xaq u leeyaha oo u degaan iyo aqal ka dhista goob kasta uu la itaal yahay ee uu jeebkiisu awoodo.

In ay Djibouti ka jirto dulmi iyo cadaalad daro gaamuurtay waa mawduuc kale laakiin guud ahaan dhabtu waa sidda oo qofna Cafarnimo ama Soomaalinimo looguma diido in u hoy dhisto.

 

Dawladnimdaasi waxay keentay in dadkii reer Djibouti intoodi ugu badnayd ay soo degeen Magaalada Djibouti iyo jilba laabteeda taas oo sababtay in ay magaaladi Djibouti ku fiday dhul aad uga fog magaalada dhulka ay ku fidday magaaladu waxaa lahaa dad oo ay Xoola u daaqi jireen dadkaasna waxay dhulkaas u yaqaaneen magac Sidaa Buurti Faarax-Haad iyo wixii la mid ah oo maanta loo yaqaan Cite Hodaan.

Goobaha qaarkood waxaa loo baxshay magac af Canfar ah Sida RASDIKA,WAXDI-DAABA,RAS-DUUMEERA iyo qaar kale,Geesta kale ma jirto hal meel ama Tuulo ama Buur ahaan jirtay degaanada Canfarta oo loogu wan-qalay magac af Soomaali ah sidoo kale ma jirto dad Soomaali reer Djibouti ah oo degaano looga beeray dhulka ay canfartu asal ahaan u sheegato ama ku abtirsato ee waa Canfarta waxaa ku soo fiday dhul cusub oo Soomaali lahayd.

Intaa waxaa dheer dhulka ama degaanadda af Soomaali ahaa ee maanta Af Canfarta loo baxshay waxaa masuul looga dhigay oo xukuma rag Canfar ah sida duqa Xaafad waynta Balballa oo kalee.

Soomaalida reer Djibouti ee degaanadoodi asaliga ahaa lagu Beeray walaalogga Canfareed ee reer Djiboutiga ah ee aan soo sheegnay lama hayo taarrikhda hal maalin oo ay wax diidmo ah oo ay arrinta isku hor taageen muujiyeen sida Oromadda Ethiopia ee diiday in ay Fido magaala madaxdi dalka Ethiopia ee Addis.Ababa taas oo sababtay kacdoonka iyo khalkhalka siyaasadeed ee soo wajahay Ethiopia.

 

Isku soo wada duubo Djibouti waxaa ka socda maanta kana socon jiray 60-kii sanne la soo dhaafay waa Canfarisation ee maaha Soomaalisation arinta la boom-buunin ee lac-Asal waa arin siyaasadeed iyo tamco iyo xeelad gaar ah oo dhaxaysa canfar iyo Ciise soona bilaaban tahay waagi la soo saaray systemka (decentralisation oo ay siyaasiyiinta Canfareed ay u haysteen in ay sidaan ugu darari doonto laakiin ciyaartu ku noqotay(XIS KOOKALI)Lac-asalna ma guuri doonto ee sidaa aad Balballa uga noqoteen Mair-de ville ugu figira in aad maalin dhow Cartana ugu darsadaan buuqa iyo reenkana naga joojiya saxiibayaal midida daabkeega idinka haya maanta.

 

Nabad Wagari