Xildhibaankii ugu horeeyay ee kamid noqonaya Baarlamaanka cusub oo la doortay (Daawo Sawirada

Waxaa goordhaw magaalada Garawe ee caasimada Maamulka Puntland lagu doortay Xildhibaankii ugu horeeyay ee kamid noqonaya Baarlamaanka cusub ee Federaalka Soomaaliya.

Musharax Cali Yuusuf cali (Cali Xoosh) oo la tartmayay Musharaxa kale ee C/rashiid Xasan Yuusuf ayaa kaga guuleestay cod aqlabiyad leh, waxa uuna helay Musharaxa guuleestay Cali Xoosho Codad gaaraya 49 cod halka musharaxa kale uu helay hal Cod oo kaliya.

Siciid Jaamac Qorsheel oo ka mid ah Guddiga doorashadda dadban ee heer federaal ayaa ku dhawaaqay Natiijadda doorashooyinka, wuxuu sheegay in Cali yuusuf Xoosho uu ku guulaystay Kursiga Beesha Ciisa Maxamuud ee aqalka Hoose ee Barlamaanka Federaalka.

Xildhibaan Cali Yuusuf cali (Cali Xoosh)ayaa noqday Xildhibaankii ugu horeeyay ee kamid noqonaya Baarlamaanka Federaalka ee la doorto, waxaana xildhibaanan uu horey Wasiir kuxigeen uga soo noqday maamulka Puntland.

Waxaana wali magaalada Garawe kasocota Dooarshada Xubnaha Puntiland kasoo galaya Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, waxaana la filayaa in manata la doorto dhoor Xildhibaan.