Madaxweyne ku Xiggeenka Maamulka Hargeysa oo Noqday masuulkii ugu Horeeyey ee ku jajabay sariirtu ku Seexday(Sawiro)
Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Md. Axmd Maxamed Maxamuud Siilanyo oo ay wehelayaan wasiirka Madaxtooyada Maxamuud Xaashi , wasiirul dawlaha wasaaradaasi Maxamed Muuse Abees iyo xubno ka mid ah golahiisa wasiirada ayaa Gurigiisa ku booqday Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Eng. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici oo maalintii Shalay Dhaawac ka soo kaadhay dhinaca Misikta kadib markii uu guriga dhexdiisa ku silbaday.
Madaxwayne Siilaanyo ayaa Madaxwayne Ku xigeenka ka waraysay xaaladiisa oo hada aad u fiican, waxa uu eebe u Baryay in Uu Caafimaad degdeg ah siiyo.
Sidoo kale Wasiirada iyo Masuuliyiinta kale ee Madaxwayna Ku Xigeenka soo booqday Maanta ayaa Eebe u Waydiiyay Caafimaad Dhaqso ah
Madaxwayne Ku Xigeenka ayaan Maanta Xafiiskiisa u shaqo tagan Dhaawacaas loo badinayo Jabniinka ee soo Gaadhay aawadeed, waxana sidoo kale Booqatay Dhaqaatiir kuwaas oo talooyin caafimaad oo muhiim ah siiyay.
You must be logged in to post a comment