Dibed-baxyo lagu diidan yahay doorashada Donald Trump oo ka bilowday dalka Maraykanka (Daawo Sawirro)

Dibed-baxyo ayaa ka dhacay magaalooyin waaweyn oo ku yaalla dalka Maraykanka, kuwaasoo lagu diiddan yahay doorashada Donald Trump loo doortay inuu noqdo madaxweynaha Maraykanka.

Kumanaan qof ayaa hor dhoobtay dhismaha Trump Tower ee New York, kuwaasoo lagu diidan yahay siyaasadaha Trump.

Kumanaan kale ayaa isugu soo baxay magaalooyinka Chicago, Philadelphia iyo San Francisco.

Magaalooyinka Portland, Oregon, dad mudaaharaadayey ayaa muddo saacado ah waxay xireen waddo weyn oo gawaaridu marto, iyagoo ku dhawaaqayey “Ma aha Madaxweynahayaga”, kalmadaasoo aad looga isticmaalayo baraha bulshada.

Madaxweynaha la doortay Trump wuxuu galinka dambe ee maanta kula kulmi doonaa Madaxweyne Obama aqalka Cad, iyagoo ka wada hadlaya diyaarinta qaabkii ay xilka u kala wareegi lahaayeen.

Qaar ka mid ah shacabka Maraykanka ayay weli u cuntami la’ dahay doorashada madaxweyne Trump oo dad badan ku noqotay yaab iyo lama filaan ay ka hurdi waayeen.