Ina Iley iyo Guul wada yaal cusub oo Kililka loo Sameeyey
Shirwaynihii sagaalaad ee Xisbiga Dimuqraadiga Shacabka Soomaalida Itoobiya oo socday saddexdii maalmood ee la soo dhaafay ayaa lagu soo gabgabeeyay tuulada Maracaato oo ka tirsan magaalada Qabridahar.
Xisbigan ayaa ah kan kaliga ah ee matalaada ku leh deegaanka Soomaalida wuxuuna bahwadaag la yahay xisbiga dalka ka taliya ee EPRDF.
Shirwaynahan uu yeeshay Xisbiga ka arrimiya Dawladda Deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa ku soo aadaya iyada oo Itoobiya ay ku jirto xaalad dagdag ah oo lixbilood soconaysa iyo dib u qaabayn lagu sameeyay golihii wasiirrada ee heer Faderaal oo Soomaalidu ay ku yeesheen labo xubnood.
Madaxwaynaha dowlad Deegaanka Soomaalita Itoobiya, Cabdi Maxamuud Cumar ayaa sheegay in uu soo dhawaynayo talabadaas halka wasiir ee deegaanka ka soo jeeda loogu kordhihay wasiirrada federaalka.
Shirkan oo caadiyan labadii sano iyo barkiiba dhaca hal mar ayaa lagu soo doortay golaha dhexe ee xisbiga.
Ergada shir waynaha ayaa doorkan dib u qaabayn ku sameeyay golaha dhexe meeshii uu 51 ka ahaana wuxuu hadda ka dhigay 47 xubnood.
Golaha dhexe ayaa intaas ka dibna iska sii dhex xulay 15 xubnood oo guddiga fulinta ah.
Yaa ka baxay xubinimadii golaha dhexe ee xisbiga?
Waxaa xubinimadii golaha dhexe iyo Gudiga Fulinta waayay xubno dhawr ah oo jagooyin muhiim ah ka hayay Dawladda Deegaanka Soomaalida Itoobiya,
Siyaasiyiintaas golaha dhexe ka haray waxaa ka mid ah Mawliid Haayir Xasan oo ah madaxwayne ku xigeen ahna wasiirka waxbarashada iyo Cabdicasiis Maxamed oo ah wasiirka Xoolo dhaqatada iyo horumarinta reer Miyiga.
Masuuliyiintan la badalay qaarkood shirka dhexdiisa ayaa dhaliilo looga soo jeediyay.
Wasiirka waxbarashada Mawliid Haayir dhaliilaha loo soo jeediyay waxaa ugu waawaynaa dhibaatooyin ka jiray geedi socodka waxbarasho ee deegaanka, iyada oo ardaydii u fadhiisatay imtixaankii heer qaran ee sanadkan 2016 aysan ka soo hoyinin natiijooyinkii loo baahnaa.
Ardayda sanadkan heshay jaamacadaha ayaana ka hooseeya kuwii heli jiray sanadihii hore.
Mawliid ayaa aqbalay dhaliisha waxbarashada balse diiday eedo kale ee loo soo jeediyay oo ay ka mid ahaayeen nin jeclaysi.
Madaxwayne Cabdi Maxamuud Cumar ayaa sheegay in mawliid uu leeyahay dhaliisha uu isba aqbalay balse waxa uu sheegay in Haayir uu soo qabtay hawlo badan isla markaasna aysan haboonayn in la isku dhaliilo wax aan jirin ama marxalado hore oo laga soo gudbay.

Waxyaabaha uu shirkani kaga duwanaa kuwii hore.
Waa markii koobaad ee guddiga doorashooyinka Itoobiya ay kormeeraan hanaan doorasho oo xisbi leeyahay, waana sharci cusub oo lagu soo rogay dhammaan xisbi kaste oo doorasho ku qabanaya dalka Itoobiya sida uu sheegay madaxwayne Cabdi Maxamamuud Cumar.
Dumarka ayaa iyagana markii koobaad afar xubnood ku yeeshay guddiga fulinta oo awood badan.
