Madaxweynaha Faransiiska oo waraaqaha Aqoonsiga ka guddoomay Safiirka cusub ee Soomaaliya

 

November 10 (XeerNews24)

Madaxweynaha dowladda Faransiiska Francois Hollande ayaa waraaqaha aqoonsiga ee Danjirnimo ka guddoomay Safiirka cusub ee Soomaaliya u qaabilsan dalka Faransiiska, kaasoo xaruntiisa noqoneyso magaalada Paris.

Munaasabad kooban oo ka dhacday Qasriga Madaxtooyada Paris ee Élysée Palace ayaa Danjire Cali Shariif Axmed waxaa uu Madaxweyne Hollande ugu gudbiyay warqadihiisa aqoonsiga iyo dhambaal uu ka siday Madaxweyne Xasan Sheekh.

Safiirka Soomaaliya ee Faransiiska ayaa si diirran loogu soo dhoweeyay qasriga Madaxtooyada, iyadoo loo sameeyay hab maamuus la mid ah kuwa Diblomaasiyada Caalamiga ah.

Amb. Cali Shariif ayaa bishii Maarso ee sanadkan waxaa Safiirnimo u ansixiyay Golaha Wasiirada, waxaana kaddib Madaxweynaha uu u magacaabay inuu Safiir ka noqdo Faransiiska.

Dhismaha Safaaradda Soomaaliya ee dalka Faransiiska ayaa ah dhismaha ugu weyn ee Safaarad ay Soomaaliya ku leedahay Caalamka, waxaa uu ku yaala agagaarka Madaxtooyada ee Élysée Palace.

Soomaaliya ayaa sanadihii u dambeeyay horumar ka sameysay dhinaca diblomaasiyada caalamka, iyadoo xoojisay xiriirkeeda arrimaha dibadda, waxaana dib loo furay Safaarado dhowr ah oo Safiir rasmi ah loo magacaabay.

Waa safiirkii u horeeyay ee Soomaaliya u magacawdo dalka Faransiiska, kaddib bur burkii dowladdii dhexe,  waxaana Faransiiska ka mid yahay dalalka taageera Soomaaliya, kana mid ah dalalka quwadaha weyn ee codka Veto ku leh Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey.

 

ali-shariff