Boqolaal Qoxooti Yamani Ah Oo Maalintii 5aad Ku Xaniban Kuna Dayacan Lawyacado & Xukuumada Oo Aan Wali U Gurman.(Sawiro)

 

Wararka ka imanaya Magaalada Lawyacado ayaa sheegaya in ay maalintii 5aad magaaladaas ku xaniban yihiin dhawr boqol oo qoxooti Yamani ah oo dalka ka soo galay Magaalo xeebeeda Berbera, isla markaana ay Lawyacado ku soo daabuul baabuur.

Qoxootigan oo aanay u suura galin in ay xadka ka gudbaan ayaa waxa ay ku sugan yihiin xaalad aad u qalafsan, oo culays ku ah dadka degaankaas ee markoodii horaba ahaa kuwo aanan awood dhaamin qoxoodiga soo magan galay xukuumadii Somaliland ee dal ku galka soo siisayna ay dayacday

“Tiradoodu way badan tahay, wayna soo kordhaysaa, ilaa maalintii 5aad ayaanay Lawyacado joogaan, waxa ay u badan yihiin dumar iyo caruur, umana suura galin in ay xadka ka gudbaan, oo lacagta uu ka rabo Kastanka Lawyacado ee madax tiriska ah maba haystaan oo markoodii horeba waxa ay ahaayeen Qaxooti, ayuu yidhi Maxamuud Yoonis Bahdoon oo ka mid ah dadka degaanka Lawyacado oo ay shabakadu la xidhiidhay.

Isaga oo hadalka sii wata ayaa waxa uu intan ku daray “Habeenkii dhedo qabow ayaa dhacda, caruurtaas iyo dumarkaasina dhulka banaan ayay seexdaan, ma haystaan wax ay huwadaan, mana jirto meel ay degaan oo qaadaysa, waxa kaliya ee 5taas maalmood la daalaadhacaya ayaa waxa ay yihiin dadka degaanka”

Badhasaabka gobolka Selel oo maalintii shalay ahayd booqday Lawyacado isla markaana soo arkay xaalada Qoxooyigaas Yamanida ah, ayaanay booqashadiisaasi wax rajo ah ku soo kordhin dadka degaankaas, marka laga reebo dhaleecay ay u soo jeediyeen madaxda Axsaabta mucaaridka ah ee gobolka Salal.

“Waan ka xumahay in Badhasaabkii gobolku uu qoxooti degaan uu maamulo ku sugan soo booqdo isaga oo Suudh-iyo Taay xidhan, isla markaana ay ka muuqato xarago badan, lana dareemayo in aanu u jiidh damqanayn dadkaas ku tabaalaysan Lawyacado iska daa wax taakulo ah oo uu u taro’e” sidana waxa yidhi Gudoomiyaha Xisbiga Wadani ee gobolka Salal Md. Farxaan Maxamed Yuusuf.

Isaga oo hadalka sii wata ayaa gudoomiye Farxaaan wax uu yidhi “In sawiro lagu dul galo’ qoxooti ku soo magan galay waa damiir xumo inteeda dhan, waana dhaqan u caado ah Madaxda Kulmiye ee gobolka Salal in aanay bulshada u damqan, sidaas aawadeed waxa aan baaq u dirayaa hayadaha caalamiga ah iyo kuwa maxaliga ah ee Bini’aadanimada ka shaqeeya, waxana aan leeyahay ha loosoo gurmado qoxootigan u baan gurmadka ee ku sugan Lawyacado

Maxamed Bili bili