Sitti Saban Barwaaqay

SIITTI
Sitti saba barwaaqay
Sareediyo badhaadhay
Sundus iyo xariireey
Saxansaxo udgooney
Saldhigii aqoontiyo
Sinnaantiyo midnimaday
Sumadii bahday iyo
Qaynuun sal guurayn
Tii lagu sadqeeyay
Sohda aabayaashiyo
Saantarkii ogaaskay
Salkay deeqdu jiiftay
Sooryaynta dayfkiyo
Dhaqan suubanlay’yey
Markuu sawlgu yeedhana
Sunta cadawga laysiyo
Onkod iyo sirwaxaney
Sayruukh dhacaayiyo
Soolsool shidmaayaay
Sittiyey hadheeliyin
Sabadaada ugubka ah
Saranseer abaariyo
Sinaguurka waayaha
Iyo salaw colaadeed
Eebaha subxaanki’i
Kaa samatabixiyoo
Waligaa siraadnaw
U saree aduunyada
Sadrigaad ku dhigantahay
Sidii sabi aan dhalayoo
Suntaar kuuma quudhee
Wanaag iyo samaanbaan
Kuu sahamiyaayoon
Saatirkay ka tuugaa.

Waa Gaaxdii : Diirane Caroog