Siyaasiyiinta Gobolada Waqooyi oo sheegay inay ka qeyb galayaan doorashooyinka dadban (War saxaafadeed)

 

November 14 (XeerNews24)

Siyaasiyiinta, Salaadiinta, iyo waxgaradka Beelaha Dir Waqooyi (Somaliland) ayaa maanta ku dhawaaqay inay ka qeyb galayaan doorashada dadban ee dalka ka dhaceysa, kaddib markii ay dhowaan qaadaceen.

Shir jaraa’id oo ay wada-jir maanta ugu qabteen magaalada Muqdisho ayay kaga hadleen kulamo labadii maalmood ee la soo dhaafay uga socday magaalada Muqdisho, waxayna ka soo saareen dhowr qodob.

Siyaasiyiinta iyo salaadiinta beelaha Dirta Waqooyi ayaa sheegay inay tixgelinayaan heshiiskii Madasha Wada-tashiga qaran ee lagu gaaray magaalada Kismaayo iyo marxalada kala guurka ee uu dalka ku jiro.

Waxaa ay ugu baaqeen Guddiga doorashooyinka inay dedejiyaan doorashada labada aqal ee ka imaanaya Gobolada Waqooyi.

Dhowaan ayay aheyd markii war-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Guddoomiyaha Baarlamaanka lagu sheegay in xal laga gaaray cabashadii ka timid Beelaha Dirta Waqooyi

Magaalada Muqdisho ayaa lagu wadaa inay ka dhacdo doorashada Labada aqal ee Beelaha Dir Waqooyi, maadaama aanay suura gal aheyn inay ka dhacdo deegaanada ay ka soo jeedaan ee Somaliland oo horay ugu dhawaaqday inay ka go’day Soomaaliya inteeda kale.

Halkan hoose ka akhriso war saxaafadeedka ka soo baxay Siyaasiyiinta, Salaadiinta iyo Waxgaradka beelaha Dirta Waqooyi ee ku sugan Muqdisho

 

 

dirta-waqooyi