Daawo Mas’uul Xilkeedii Ku Wayday Ka Dib Markii Ay Cayday Xaaska Obama

 

 

 

 

 

 

 

 

Duqda magaalada Clay ee gobolka Virginia Beverly Whaling ayaa shaqadeeda weysay kaddib markii xubin xafiiskeeda ka shaqeysay ay ugu yeedhay xaaska madaxweyne Barack Obama “daanyeer”, iyaduna ay ku taageertay.

Dhacdadan ayaa timid kaddib markii uu doorashada madaxtenimo ku guuleystay Donald Trump isbuucii hore.

Hadalkan cunsuriyadda ah ayaa lagu qoray barta facebook-ka ee haweeney ka shaqeysa xafiiska duqa magaalada oo lagu magacaabo Pamela Ramsey, waxaana ay u qorneyd sida tan ” – Waxaa i farxad gelineysa in aan arko haweeney qurxan islamarkaana labis qurxoon oo ku nool aqalka cad. Waan ka daalay in aa daanyeer ku dhex arko gurigaas”.

Beverly Whaling ayaa la dhacday hadalka ay barteeda Facebook-ga ku qortay saaxiibteed Pamela Ramsey, waxaana jawaab-celin qoraal ah oo ay ka bixisay iyaduna qortay ” – maalintaad ii toosisay”. oo macneheedu loo qaadan karo “qoraalkaaga waan taageersanahay”.

Si kastaba duqda magaalada ayaa sheegtay in qoraalkeedaas jawaab-celinta ah aysan ula jeedin wax cunsuriyad ah, waxa ayna raalli-gelin ka bixisay dhacdadaasi.

Waxyar kaddib raalli-gelinta ayaa waxaa ay iska casishay jagada duqa magaalada.

Barta Facebook-ka ee haweeneyda daabacday qoraalkan cunsuriyadda ah ayaa gebi-ahaanba la xiray, laakiin wali ma cadda in iyadana shaqada laga eryay.

micheldanyer micheldanyer1micheldanyer3