Gobolkii Sitti oo Siddi Salal oo Kale Haad iyo Waraabe Cunay

Afartii Sano ee u dambaysay maxaa laga qabtay Gobolka Sitti ?
Gobolka Siti wuxuu ka koobanyahay 9degmo waa gobol kamida 11ka gobol ee uu ka koobanyahay deegaanka soomaalida itoobiya gobolku waxa uu kaalmaha hore kaga jiraa gobolada ugu dakhliga badan. sanad walba waxa laga qaadaa cashuur iyo dakhli boqolaal milyan ah dhinaca kale markaad ka fiiriso gobolku waa ka ugu miisaaniyad yar marka gobolada kale loo eego uguna waxqabad liito gobolka waxaas oo lacaga laga xereeyo capital kiisa ( miisaaniyadiisa mashaariicdu ) kama badna 25malyuun sanadkii waa gobol nabadgalyo iyo xasilooni kajirto maalaayiinta laga xereeyana gobolada kale ayaa lagu dhisaa oo ku horawmaray haddaba akhristoow ma iswaydiisay miisaaniyadii yarayd ee 25ka mliyan dhanayn waxa lagu qabtay iyo meesha ay martay 4tii sanadood ee udambaysay ? Iskool lagama dhisin, xarun caafimaad lagama dhisin, ceel lagama qodin shicibkii abaarta ba’ani saamaysayna lagama dawayn iyaga iyo xoolohoogii ee waxay gashay ciidda mashruuc dadka reer sitti anfacayna lagama hayo. 4tii sano waxa lagu dhisay qiyaas ahaan ilaa 50 barkadood oo dhulka hoos looga qoday iyo 7 biyoxidheen. midkaliya oo shicibka anfacay na lagama hayo waxay noqdeen qaar daad qaaday, qaar aasmay iyo qaar ay biyo galiwaayeen oo buuro dushood laga dhisay mid kaliya oo laga dhisay meel Ku habboon maleh waa mashaariic boqol milyan Ku dhaw oo khasaaray maamul xumo iyo enginer la’aan darteed barkadaha iyo biyo xidheenadaba waxa laga dhisay dhul daad mareena iyo buuro korkood Ku darsoo mid kaliya oo meel oomane ah laga dhisay lama hayo degmooyinka gobolka looma eegin baahida mashruuc ee bulshadu ubaahi qabto sidaa bayna ciidda ugashay lacag boqol milyan kudhaw ee markii horeba hafarka ahayd iyo khasaare afartii sane udambaysay uu gobolku wali halkii ka ruqaansan   Sitti Guul & Gobonimo