Hailemariam Dessalegn oo diblomaasiyiinta ku wargaliyay xaaladaha hadda ka jira Itoobiya

Ra’iisul Wasaaraha dalka Itoobiya Hailemariam Dessalegn ayaa ku wargaliyay diblomaasiyiinta maalintii khamiista xaaladaha hadda ka jira Ethiopia, gaar ahaan inta lagu guda jiray xaalada deg dega ah iyo dib u habaynta lagu sameeyay dowladda si ay u gutaan ballanqaadyadii ay u sameeyeen dadweynaha.

Marka la eego falalkii naxdinta burburki ciidamada , nolosha dadka, mashaariicda maalgashiga iyo kaabayaasha, ayaa waxa uu sheegay Dessalegn, in xukuumaddu ay waajib ku noqotay in lagu dhawaaqo xaalada deg dega ah.

 

Waxa uu hoosta ka xariiqay, tan iyo maalintii ugu horraysay ee lagu dhawaaqay xaalada deg dega in dalka uu awood u yeeshay in la soo celiyo sharciga iyo kala dambeynta iyada oo hadda xaalada ay noqotay mid caadi ah.

Xayiraadaha dhawaan laga qaaday diblomaasiyiinta u safraya dalka ogolaansho la’aan ayaa xaqiijin u ah xaqiiqda, ayuu xusay Ra’iisul Wasaaraha.Waxa uuna xaqiijiyay in shaqada caadiga sideedi ay kuso noqoneyso.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay, in tobanka maalmood ee ugu horreeya xaalada deg dega, in boqolkiiba toddobaatan kuwa ku lug lahaayeen rabshadaha ay si iskood ah isugu dhiibeen ciidamada ammaanka islamarkaana la saamaxay ka dib markii la siiyey tababarka lagama maarmaanka ah oo uu sheegay in uu ka caawin doono iyaga inay dhexgalaan bulshooyinka si nabad ah.