Haweenay Caan Ah Oo 28 Sanno Ka Hor Loo Sheegay In Donald Trump Madaxweyne Ka Noqonayo Maraykanka.

 

New York(XeerNews24)
Suxufiyadda caanka ah ee Oprah Winfrey, ayaa soo saartay muuqaal ay ka duubtay Madaxweynaha cusub ee Maraykanka Mr. Donald Trump oo aad u yar, iyadoo tilmaantay inuu 28 sanno ka hor u sheegay inuu u tartamayo jagada Madaxweynenimo, isla markaana ku guulaysan doono.

 

Waraysigan Oprah Winfrey soo saartay oo ay markii dambe raalligelin ka bixisay, iyadoo sheegtay in si aan ku talogal ahayn uu ugu soo baxay  boggeeda Twitter-ka, una bixisay rajada nolosha (#HopeLives), waxa ay xustay in baahinta twitterkeedu ahaa khalad ka dhacay markii Trump la kulmayey Madaxweyne Obama.

“Sax, uma garanayo. Waxaan u rajaynayaa in aan guulaysan doono. Waxa aan kuu sheegayaa in aanan guuldarraysanayn,” ayuu Trump u sheegay Oprah mar uu ka jawaabayey bal inuu u tartami doono Madaxweyenimo, waxaannu intaas ku daray, “Weligay ma guul-darraysan, haddii aan go’aansado inaan sidaa sameeyana waxaan ku leeyahay waan guulaysanayaa. Waxa aan ku odhanayaa in aan helayo fursado badan oo aan ku guulaysto, waayo waxaan u malaynayaa in dadku daaleen, ma garanayo sida daawadayaashaadu dareemayaan, laakiin waxaan rajaynayaa in dadku ka daaleen raadinta Maraykanka oo wanaagsanaada.”

Mr. Trump waxa kaloo uu sheegay in Maraykanku dhaqaale badan heli doono haddii uu doorashada madaxweynenimada isagu ku guulaysto, waxaannu yidhi; “Idiinma ballanqaadi karo wax kasta, balse waxaan ballanqaadi karaa in dalkan lacag badan ka samayn doono dadka 25 sannadood faa’iidada helayey. Ma noqon doonto sidii ay ahayd. I aamin.”

Waraysiga suxufiyadda Oprah ka qaadday Mr. Donald Trump  muddo hadda laga joogo 28 sanno, waxa kaloo uu ku caddeeyey inuu muddo dheer maanka ku hayey sidii uu mar u noqon lahaa Madaxweynaha Maraykanka, hammiyo uu doonayana uga hirgelin lahaa, taasoo hadda u hirgashay, kadib markii xilka Madaxweynenimo loo doortay 8 November 2016.