Madaxweynaha Cusub Ee Maraykanka Mr Donald Trump Oo Rag Cunsuriyiin Ah U Xushay Inay Xilal Sare Ka Qabtaan Xukuumadiisa

 

Madaxweyne la doortay ee Mareykanka Donald Trump ayaa magacaabay saddex xil oo muhiim ah oo ka mid noqon doona maamulkiisa cusub.
Trump ayaa wararku waxa ay sheegayaan inuu senator-ka Jamhuuriga ah ee gobolka Alabama, Jeff Sessions u magacaabay inuu noqodo Xeer Ilaaliyaga guud ee Qaranka Mareyanka.

Trump ayaa sidoo kale Mike Pompeo u magacaabay inuu noqdo agaasimaha guud ee hay’adda sirdoonka Mareykanka ee CIA-da, halka General Mike Flynn uu u magacaabay la-taliyaha amniga qaranka.

Trump si rasmi ah ugumu dhowaaqin magacaabista uu sameeyey, hase yeeshee ilo-wareedyo dhowr ah iyo warabaahinta Mareykanka ayaa shaaca ka qaaday

Flynn uma baahnaan doono in aqalka senate-ka Mareykanka uu ansixiyo magacaabistiisa, hase yeeshee Jeff Sessions ayaa wajahaya su’aalo adag oo kaga iman doona senator-ada, ayada oo lagu eedeynayo inuu hadda ka hor sheegay erayo cunsurinimo ah.

Waxaa markale xiisadi ka dhalatay ragga lagu wado Madaxweynaha cusub ee Maraykanka Donald Trump inuu u magacaabo xilalka muhiimka ah ee Xeer illaaliyaha guud iyo Lataliyaha dhanka amniga