Qaybtii labaad ee isbarbardhiga kaligii taliye M.S.Barre,iyo intii ka dambaysay

 

Waxyaabihii inta badan dadka qaarkii ku eedayn jireen,ama kaga soo
horjeeddeen xukunkiisa,waxaa ka mid ahaa qaraabo kiil,uu u qaraabo
liili jiray qabiilkiisa,gaar ahaa dhinac derejooyinka ciidamadda
qalabka sida,oo rag lagu tixi jiray derejadda,iyaga oo an soo
dhamaysan shuruudhii iyo tababarraddii  loo baahna,si u saraal ku
noqdo.
Waxaa kale oo lagu eedayn jiray,in uuna kalsooni ku qabin xubnihii
kale ee ku jiray GOLAHA SARE EE KACAQANKA(Super revolutionary
council)oo wax yar afgembigii kadib la laayey,ayna ka mid ahayeen
Sareeye guuto Moxamed Caynanshe Guulet,G/sare Salaad Gavere Kadiye,iyo
G/sare Cadulkadir Dheel,oo isagu afgembiga hortiiba ka rusaystay  ,
ciidanka, bayacmushtorna ku shaqaysanayey. G/sare Salaad Gavere,wuxuu
ah ninkii fuliyey afgembiga,inkasta oo Moxamed Siad xaga dambe ka
joogay. Salaad Gavere,madaama u isagu ficil ahaan afgembiga fuliyey, wuxuu doonayey inuu noqdo taliyaha guud ee ciidamadda xoogga dalka
,haseyeeshe taas cakiiskeed waxaa loo magcaabay Wasiirka gashandhiga
,isna ma jelaysan,aakhirkiina,wax lagu eedeeyey inuu ababulayey afgembi
kale,S/Guuto Caynaanshe iyo Cabdukadir dheelna taagersanayeen.  .

Midda kale ee loo baahan,yahay in la sheego waxa ay tahay,Mingiste Halemariama oo ahaa madaxweynihii Derque ee Itoobiya,waakii ku dhawaaqay
inuu qaatay nidamka Hanti-Wadaaga,midowgii Sufyeed,Fidel Castro oo ahaa  madaxweynihii Cuba iyo Jarmalkii bariga aad bay uso  dhaweyeen..Midowgii  Sufyeed,oo ka ´warqabay inay Somalia doonayso dagaal ay ku qaado Itoobi,
,wuxuu midowgii Sufyeed u soo diray Somalia wafti sare,waxaana Somalia
loo sheegay Somalia inaysan dagaal ku qaadin,Itoobiya haddii ku qaadana
,ayna Ruusiana ku taageraynin dagaalkas Somalia,waayo Ruushka iyo
labadan dal ee Cuba iyo Jarmalkii bari ee Ruushku cagaha ku sito,waxa ay
doonayeen in Yemantii Konfureed,Itoobiya iyo Somalia ay noqdan Federal
Hanti-Wadaag ah,Ruushkuna dush ka ilaaliyo,badda cas iyo Cannel Suweysna
noqdaan meel Ruushka ka taliyo.Si hindisahasi uu u hirgalo,waxaa dalka
Yemen ka dhacay shir la isku keenay,madaxweyne Siad Barre,madaxweyhnihii
Yeman, iyo kii Itoobiya. Hindishas,waxa gashaanka ku diftay Siad Barre,
isaga yidhii marka hore Itoobiya ha ogolaado xaquuqda dadka somalida
ay gumaysanayso,go’aankas waxa ka cadhooday kuwii kale,shirkiina sidas
ayuu ku baabay.

Si looga aargosto Somalia, ama loo ciqaabo, Itoobiyna ay iska caabido
dagaalka ay doonayso Somalia inay ku soo qaado Itoobiya,waxaana Ruushku
siiyey hubkii u dambeeyey ee Ruushku sameeyo,ciidamadda Warsawna inay
difacaan Itoobiya.Waxaa muhiim ah oo muddan in lagu xasuusto Siad Barre
mawqifkii u ka qaatay hindisii Ruusku watay ee federaalka ee ahayd inay
ku midoban Somalia,Itoobiya.iyo Yeman. Isla markaana,waxaa lagu eedayn
karyay,dagaalkii u ku qaaday Itoobiya,inuusan habboonayn,mar haddii u
Ruuskii sirta ciidamadeena iyo hubka aan haysano ogaa la soo safteen
Itoobiya isla markaana aysan jirin dal ama dalal kale oo  ku taageera
somalia dagaalka,dagaalkasna siyaasad ahaan adduuyadu kuma taageersanayn
Somalia,waayo, heshiiskii,ay Afrika isku raacday markii la sameeyey
ururkii OAU,ee madaxdii Afrika,ayey isku raaceen,ee ahaa dalkasta
xaduudii u isticimaarku kaga tegay ah ku ekaado.
Dagaalkas,somalia waxa kasoo gadhay,dhibaatooyin fara badan,dhaqaale
ahaan,siyaasad ahaan,waxaana ka abuurmay jabhado kaso horjeeda xukuumada
sida,SNM,UNC,iyo kuwa kale,waxa kale la isku deyey afgembiay ababuleen
saraakiil ka tirsana ciidanka,kuwasoo,marku afgembigii fashilmay,dil
lagu xukumay,qaar ka mid ahaana,ay magangelyo u galeen dalalka jaarka
ah.

Arimahs,waxaa xigay markii Warsaw ay la awoodeedii keentay,Itoobiya
ciidamaddii somaliana dib uga gurteen,waakii Somalia ku dhawaaqday inuu
Ruushku  ka boxo Somalia,lana odhan jiray RUUSHAW KA BULDHE,iyo waxyaabo   la mid ah.
Wabilaahi tawfiiq
H.M.Warsame

Waxaan filayaa in qofkasta oo cimrigiisu gaadhayo dhawr iyo afartan
jir u is barbardhigii Karo waxyaabihii u qabtay Moxamad Siad Barre
ee wanaagsana,iyo waxyaabihii xuma e u sameeyey,iyo waxa ka jira
dalka,laga soo bilaabo 1991gii.
Taarikh ahaan,Moxamed Siad Barre,wuxuu ahaa nin ka soo mid ahaan jiray
ciidamadii booliska ee u gumaystuhu qorteen,mudooyinkii afartanadii,
sida la sheegayna,wuxuu tababar boolisnimo u teagay dalka Talyaniga,
isaga iyo rag kale,waxa ayna ku soo labteen dalka,wax yar kahor intii aan
calanka la qaadan  waxaana loo dalacsiiyey,isaga ragii kalaba,derejooyin
sare,si ay madax ugu noqdan ciidamadii la rabay in loo qoro dalka
daficiisa.Isaga waxaa ku xigeen looga dhigay,Alaha u naxariiste Jeneral
Dauud Cabdulle Xersi,oo ciidankii xogga dalka madax looga dhigay,has-
yeeshe marku geeriyooday Jeneral Dauud,isaga ayaa noqday taliyihii
ciidankii xogga dalka somaliyeed,waqtigas waxa ay ahayd 1969kii,waxaana
dalka olole loogu jiray doorashadii kuraasta Barlamaanka oo 123 kursi ahaa.
Xisbiyada u tartamayey 123ka kursi,tiradoodu waxa ay gaadhaysay 69 xisbi
Waxaa socnayey masuq maasuq xad dhaaf ahaa,dad badanina waay ku dhinteen,
xitaa ilaa aahirikii la dilay madaxweynihii dalka Cabdirashiid Cali
Sharmarke.
Xukumaddii markas talad haysay,ee u R/Wasaare ka ahaa Alaah u naxariiste
Moxamed Xaji Ibraahim Cigaal,waxa ay u arkayeen inuu Moxamed Siad la
dhasanayn masuq maasuq,ay xukuumadu waddo,sidas darteed,waxa ay xukuumadu
u soo jeedisay Moxamed Siad inuu laba arimood mid doorto,1-inuu tababar
military ku soo qaato dalka Ruushka,2-inuu hawlgab noqdo,ciidankana nin
kale loo dhiibo,isna wuxuu ku jawaabay,tababarka aan aadaya,hasyeeshe.
ha ii oglaado muddo aan ku diyaargaroobo oo sedex bilood ah,waana loo
oglaaday.
Mudaddii seddexda bilood ahayd,si hoos ahaan ah u diyaargaraynayey
afgembigii uu xukunka kula wareegay,oo aan haba yaraatee wax dhigihii ku
daadan.Masuq maasuqii,dalka ragaadiyey, wuu joogsaday.waxaa joogsaday
hantidii qaranka ee la boobyey. Waxaa loo jeestay beeraha in  wax laga
soo saaro.Wuxuu ku dhawwaqay inuu qaatay nidamka Hanti-wadaaga ah ee
cilmiga ku dhisan,hase ahaatee,Moxamed Siad Barre,qof ahaan ma ahayn
nin jecl Hanti-wadaag,balse waxaa ku kalifaysay wacyiga markas jiray oo
aysan jirin dal kale oo ku tageeri karay afgembiga uu xukunka kula
wareegay.Waxaa kale u rabay inuu hubo badan ka helo midowgii sufyeeti,si
ugu xoreeyo dalalka kale ee somalida ah ee la gumaysanayey.Madaxdii
midoqwgii Sufyeeti,waxa ay isku dayeen in badan,inuu Moxamed Siad si
buuxda uga qaato nidamka Hanti-Wadaaga,hayeeshee,Moxamed oo aha nin aan
marna taageerin  rayi aan isaga kasoo go’in,wuu ka dhega adaygay
codsiyadii madaxda Ruushka,aahhirataankiina,Modowgii Sufeyeeti,waxaa
laga dareemayey,in aysan xiiso u haynin cilaqaadka Somalia iyo Ruushka.
Moxamed Siad Barre,waxkasta marka laga soo tago,waddani run ah,oo aan
xodxodasho siyaasadeed,iyo kasoo horjeeda qadiyaada somalida,yeelin buu
ahaa,wuxuuna ahaa,nin ka feejidan shirqool kasta oo,cidkasta ha ahaadane.
Waxkasta wanaag ahaa oo u qabtay,waxaa ugu sii muhiimsana afsomaligii
la qoray.oo aan qofna ku fikiraynin la qorayo.
Waa in la xasuusto Moxamed Siad Barre.
Qore:H.M.Warsame