Fidel Castro Iyo Dagaalkii 1977-kii, W/Q: Cali Cabdi Coomay


  December 01, 2016 (XeerNews24)

Wasiirka Arrimaha Guduhu wuxuu isku deyayaa in uu sameeyo wax kasta oo suurta-gal u ah si uu Soomaaliya ugu dhoweeyo Sucuudiga

del Castro iyo wixii uu Muqdisho kala Kulmay

Inta aanan ka amba bixin Cadan, waxaan Hoggaanka PDRY [Yemen-ta Koofureed] isla garannay baahida in la sameeyo wax kasta oo suurta-gal ah si ay is af garad u gaadhaan Soomaaliya iyo Ethiopia.Si wanaagsan ayaa la iigu soo dhaweeyay Soomaaliya. Waxaan ka dalbaday in aanay sameyn isu soo bax. Siyaad Barre aad ayuu saaxiibtinnimo iigu muujiyay maalintii koowaad. Inta aanan iman ayaan helay jawaabtiisa dhambaal aan anigu hore ugu diray oo ku saabsan xidhiidhka labada dal ee Soomaaliya iyo Ethiopia. Ergay ayaan hore ugu diray Soomaaliya, kaas oo wadahadal la yeeshay Madaxweyne ku Xigeenka Samatar iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha Suleymaan. Samatar isagu

wuxuu u janjeedhay Bidixda, halka uu Suleiman matalayay Midig. Wadahadalkii uu wakiilkeennu la qaatay waxay ahaayeen kuwo adag.

Inta aanan PDRY ka soo tegin ayaan xog badan ka helay xaaladda Soomaaliya. Awoodda garabka Midig wey sii kordheysaa. Wasiirka Arrimaha Guduhu wuxuu isku deyayaa in uu sameeyo wax kasta oo suurta-gal u ah si uu Soomaaliya ugu dhoweeyo Sucuudiga iyo dalalka Imberiyaalistaha ah. Samatar awooddiisu wey wiiqmeysaa. Waxa oo dhami waxay u muuqdaan in kooxaha Midigtu ay geeska geliyeen [Samatar] oo ay koone ku kuuseen.Habeenkeyga koowaad waxaan rabay in aan fahmo Siyaad Barre iyo kacaanka Soomaaliya. Cashadii dusheeda kumeynaan yeelan wax wadahadal siyaasadeed ah oo nuxur leh. [Siad] Barre wuxuu ii fasiray heerarkuu soo maray kacaanka Soomaaliya.

 

Subixii xigay waxaa naloo sameeyay barnaamij ballaadhan oo booqasho ah. Waxaan nala geeyay goobo tiro badan. Waxaan tagnay xero ay Kuuba dhistay oo malliishiya lagu tababbaro, Dugsi Beeraha, Iskuul carruurta reer guuraaga iwm. Saacado ayaa nala wareejinayay, inkasta oo aynaan weli yeelan wadahadal Siyaasadeed, dibadbax weyn oo Garoonka kubbadda cagta ka dhacayana aan tegeyno duhurnimada. Waxaan fahmay in ay doonayaan  in ay ka baaqsadaan in aan yeelanno wadahadal noocaas ah bannaanbaxa ka hor. Dibadbixii wuxuu billowday aniga iyo Siyaad Barre oo aan weli wax wadahadal gaar ah yeelan, tan darteed aad ayaan u feejignaa. Siyaad Barre [hadalka uu jeediyay] wuxuu ahaa kibraan aan hakaneyn. Malahaa wuxuu rabay in uu na baqdingeliyo.

Khudbadda aan ka jeediyay kulankii dadweynaha waxaan ka hadlay siyaasadda Imberiyaaliistaha ee Bariga Dhexe, kaalinta dib u socodka ah ee Saudi Arabia iyo ficillada quwadaha kale ee dib u socodka ah. Sidaa ayaan yeelay aniga oo og in waddanka uu ka jiro janjeer weyn oo daneynaya in xidhiidh dhow lala yeesho dalalkaas. Waxaan ka hadlay halganka PLO [Ururka Xoreynta Falastiin], Kacaanka Ethiopia iyo Kacaanka Libya. Iyo Algeria-da horusocodka ah ee la doonayo in la faquuqo. Mozqmbique ayaan ka hadlay, markaas ayaan gunaanadkii keliya uga hadlay sida Imberialistuhu uu u doonayo in uu dib u celiyo horukaca Soomaaliya. Siyaad Barre wuxuu i horkeenay ka qeyb galayaasha dibadbaxa dadweyne isaga oo aan odhan kelmad siyaasad ah.

Inta aan kulanka dadweyne dhicin, waxay sii ciyaareen hal qeyb [45 daqiiqo] oo kubbadda cagta ah. Lama oga in cayaartu ay ahayd wax lagu soo daray dibadbaxa iyo in arrintu ay taa cagsigeed tahay. Khudbaddeydu waxay ka soo horjeedday damaca garabka Midig waxayna taageeertay garabka Bidix. Waxaan aragnay in ku dhowaad dhammaan xubnaha Golaha Dhexe ay sacabiyeen, marka laga reebo Suleymaan iyo dadkiisa. Samatar aad ayuu u qancay, xataa Siyaad Barre wuxuu u muuqday in uu qancay. Si kastaba ha ahaatee, kulanka si toos ah loogama sii deyn Radio ama TV.

Habeenkaas ayaan billownay in aan ka hadalno dhibaatooyin cayiman annaga oo joogna meesha aan deggan ahay. Aniga wey ii muuqatay in ay tahay in aan taxaddarno, waayo wey iska caddeyd in Wasiirka Arrimaha Guduhu uu meesha ku rakibay qalab na basaasa. Isla habeenkaas ayaa aakhirkii Siyaad Barre uu ka hadlay Ethiopia. Wuxuu Ethiopia la meel dhigay Boqortooyadii Tsar wuxuuna yidhi Ethiopia waa Gumeysiga keliya ee soo hadhay. Mahadi ha ka gaadhto xikmaddii Lenin, Boqortooyadii Tsar meesha wey ka baxday, laakiin Ethiopia way ka jirtaa.

Muddo hadda wakhti laga joogo ayuu [Siyaad Barre] u soo jeediyay Ethiopianka in ay labada dal sameystaan nidaam Federaal ah oo ka dhexeeya amaba ay midoobaan. Ethiopia markaas kama aanay jawaabin,  hadda iyada ayaaba soo jeedineysa xalkaas.Isaga oo ay ku qanacsanaan aad ahi ay ka muuqato ayuu fasiray sida uu isugu dayay in uu Ethiopia xal la gaadho.Fursadda waxaan uga faa’iideystay in aan Siyaad Barre u sheego in aan berri subax tegayo Ethiopia. Waxaan weydiiyay in uu diyaar u yahay in uu la kulmo Mengistu [Hoggaamiyaha Ethiopia]. Wuu aqbalay.

Go’aankii Xidhiidhka Maxamed Siyaad ugu Jaray  Kuuba

111

Markii ay caddaatay in Midowgii Soofiyad kaalmo millatari iyo ciidammo farabadan keenay dalka Itoobiya ayuu shir yeeeshay Golihii Dhexe ee xisbigii Hanti-wadaaga Kacaanku, wuxuu ka dooday in dhammaan xidhiidhka loo jaro midawga Soofiyadka, balse wuxuu go’aankii noqday in xidhhidhka loo jaro Ruushka iyo Kuuba, waxaana dalka ka baxay 6,000 (Lix kun) oo Kuubaan ah.

Qodobadii la isku raacay ee go’aanku noqday waxay ahaayeen:

1.      In la joojiyo ku dhaqankii heshiiskii hore ee Soomaaliya ula gashay Midawga Soofiyeed Sannadkii 1974-kii

2.      In la joojiyo dhammaan wixii kaalmo ahaa eee badda iyo cirka Soomaaliya uga fidin jirtay Midawgii Soofiyeed.

3.      Khubarada ciidammada iyo ta rayidka ah ee ka jooga Midawga Soofiyeed dalka waxay kaga baxeen muddo toddoba cisho gudahood ah.

4.      In safaarada Midawga Soofiyeet ee Muqdisho tirada shaqaalahooda la yareeyo, lana gaadhsiiyo tan Soomaalidu ku leedahay Midawga Soofiyeed.

5.      In Kuuba loo jaro xidhiidhka siyaasadeed, maadaamo dalkeedu keenay Itoobiya ciidammo gaadhaya 15 kun oo askari.

6.     In dhammaan shaqaalaha iyo dibloomaasiyiinta Kuuba dalka kaga baxaan 24 saacadood gudahood.

Dhammaan qodobadan waxa warbaahina u akhriyey Wasiirkii Warfaafinta ee Dawladda Soomaaliya oo wakhtigaasi oo ahaa Cabdiqaasim Salaad Xasan.

 

Cali Cabdi Coomay

Suxufi, qoraa ah.