Ganacsato Jabuutiyaan ah oo Deeq gaadhsiiyay Dadka ku abaaraysan Buuhoodle +Sawirro

Buuhoodle(XeerNews24)

Ganacsato reer jabuuti ah ayaa deeq lacageed gaadhsiyay dadka abaarta ku
dhufatay ee ku nool nawaaxiga Magaalada buuhoodle.

Deeqdii ugu horraysay oo ah lacag loogu talagalay gurmadka abaaraha ayaa lagu wareejiyay guddi loo xil saaray abaaraha, kaa soo fadhigiisa uu yahay Magaalada buuhoodle, iyadoo lacagtaasi cadadeeda ahayd ilaa afartan kun oo dollar ka maraykanka ayaa waxaa soo dhiibay ganacsatada dalka aynu walaalaha nahay ee jabuuti ,iyagoo ugu tabarucay dadka ay waxyeelaysay abaarta iyo biyo la,aanta ku dhufatay deegaanada ka tirsan dalka Soomaaliya.

Deeqdaasi lacagta ah waxaa la filayaa inay wax badan ka badasho xaalada abaarta iyo biyo ,la,aanta ka jirta deegaanada iyo tuulooyinka hoosyimaado buuhoodle.

Deeqdaasi lacageed waxa guddoomay Guddiga abaarata iyagoona u mahad celiyay walaalaha reer jabuuti ee ku soo deeqay dhaqaalaha aadka u badan, waxaan ammaan ballaadhaan loo jeediyay shacabka iyo dowlada jabuuti oo iyaga mar walba garab tagaan walaalahood Soomaaliyeed.

Guddoonka Deeqdaasi Lacageed waxaa ka hadlay Siyaasi Cali Khaliif Galeyr oo sheegay in ay mahad ballaadhan u celinayaan reer jabuuti,sida ay ugu dhiiradeen tuukulaynta dadka tabarta daran ee abaarta
ku dhufatay meelo ka mid ah gayiga Soomaaliya, isagoo ugu baaqay Dowladaha kale ee dariska ah in iyana ay ka qayb qaatan taakulaynta abaarta ,sida dowlada jabuuti oo kale.

Munaasabadda wareejinta deeqdaasi waxaa kaloo ka hadlay Guddoomiyaha Guddiga abaaraha Sh. Muqtaar Axmed Xaaji faarax wuxuuna sheegay in lacagta la soo gaadhsiiyay ay si wanaagsan u qeybin doonaan sidii loogu tala galay.buhodle1buhodle2buhodle3buhodle4