Baadhayaal Caalami ah: Waxa jira khad-baddeed qarsoodi ah oo Somalia lasoo mariyo si hubka Iran loogu tahriibiyo xuutiyiinta

London (AFP)- Baadhayaal caalami ah ayaa ku xaqiijiyay  warbixin la faafiyay jiritaanka khad-baddeed hubka Iran looga soo tahriibiyo si loo gaadhsiiyo xuuthiyiinta kaasoo marka ugu horeeysa lasoo mariyo Somalia.

Warbixinta ururka “Daraasadaha Colaadaha  hubeeysan”ayaa waxa ay ku salaysan tahay hawlgallo baadhitaan oo laga sameeyay badda intii u dhaxaysay bilihii February iyo Mars 2016 taas oo intii lagu jiray lagu qabtay hub lagu tahriibinayay doonyaha shiraaca leh.

Ururkan oo saldhigiisu yahay dalka Britain oo Midowga Yurub uu maalgaliyo ayaa sheegay in ay baadhitaan ku sameeyeen muuqaalo laga soo qaaday hubka lagu qabtay markaabkiibtan intii lagu guda jiray hawlgallo baadhitaan  oo ay hormood ka ahaayeen Markab Australian ah oo lagu magacaabo “HMS S Darwin” iyo Markab Faransiis ah oo lagu magacaabo “FSA Provence.”

Labadan maraakiibta ah ee dagaalka ee ku kacay howlgalka baadhitaankan oo iyaku qayb ka ah howlgalka ilaalada maraakiibta badda iska ga gudbaysa ayaa warbixintu ay sheegtay in aynan wax xidhiidha  la lahayn dagaalka ka socda Yemen.

Warbixintan ayaa waxa ay xaqiijisay in markabkan Australian ka ah doonnida uu qabtay ay saarnaayeen in ka badan 2 kun oo  hub ah oo leh qayb kale duwan, kuwaasoo ay ku jiraan qoryaha Kalashnikov ka ah iyo 100 gantaalo ah oo Iran lagu sameeyay.

Dhinac kale markabka Faransiiska ah ayaa sido kale qabtay markab kale oo siday 2 kun oo qoryo ah oo wata summad gaar ah oo ah kuwa ay sameeyso Iran iyo 64 kamid ah qoryaha loogu talogalay shiishka ee nuuca Houshdar-M oo Iran ay sameeyso, sida lagu sheegay ilsa warbixin.

Waxa sido kale maraakiibtani ay qabteen 9 gantaalo ah ee ah nuuca loo yaqaano Kornet ee lagaga hortaggoo dibaabadaha ee ay sameeyso Russia.

Sida laga soo xigtay ilo kasoo baxay dowladda Faransiiska,markabkan hubkani saarnaa ee uu qaybtay markab Faransiisku ayaa waxa uu ku sii jeeday Somalia si suurogal ay u noqoto in dib loogu soo raro dalka Yemen.

Warbixintan ayaa waxa sido kale ay tilmaamtay in bishii Mars in ciidamda badda ee Maraykanku ay qabteen qoryaha Kalashnikov ka, gantaalo iyo hubka waa weyn oo asal ahaan ka yimiday dalka Iran kaasoo loo waday Yemen,” sida ay sheegtay Washington.

Warbixintan ayaa xaqiijiyay in labadan maraakiibta ah ee hubkani saarnaa ay yihiin kuwa ay sameeyso  warshada Al-Mansuur ee soo saarta qalabka badda ee Iran laga leeyahay.

Kasakow in hubka nuucan ah ee la qabtay uu kooban yahay,hadana falanqeeyayaasha ururkan “Daraasadaha Colaadaha Hubeeysan”waxa ay aaminsan yihiin inay xaqiijiyayaan jiritaanka shabakad hubka kasoo dirta Iran oo soo gaadhsiisa xuutiyiinta kaasoo lasoo mariyo dalka Somalia.