Siyaasiga reer Salal iyo Sittiyow dameerka galgasha cidna ma raran karto

 

Dameerka oo neef ka mid ah xoola muur(Gaadid) gaabka loo yaqaan ee lagu rarto wixii u dadku   awood u qaadi karo uu lahayn oo miyi iyo magaaldaba laga rarto meela badan oo ka mid ah dhulka soomaalidu degto ee geeska Afrika,dameerka oo  marka la tilmaami lagu sheego in u yahay xayawaan xoog weyn oo doqonimo lafahaa iyo laf dhabarta ka jabisay sidda darteedna dush looga rarto.

 

Dameerkan laysku raacay in u yahay doqon xoogweyn oo qof dumar ah  oo aad taag yar dusha ka rarto  ayaa  waxaa jirta mar u dameerka doqonka loo haysto ogaado in la dumay kana  dhiidhiyo in dushiisha rar la dul saaro oo u ogaado in u biyihii iyo baadkii lagu soo rarayba haraad iyo jaajo midna ka reebeyn  oo dad iyo xoola kale lagu taakuleeyo iyo in qalabki iyo alaabti uu soo xamaalay ay dhaxan iyo qaboow ka dilay oo u dhar , kabo iyo meel u seexda toona loo diyaarrin  markaasu bilaaba amar diido u ku diidi in mar dambee la rarto  markaasu Dameerku ku kaco ficiladda ayay dadkuna kula dhaqmaan ama ku kacan in si khasab ah lagu rarto oo loo xoog sheegtaa Dameerki doqonka loo haysta wuxuu ku adkaysta diidmadiisa xoog kastee oo lagula kacana wuxuu kaga jawaab ceshaa tab iyo xeelad isagaa u gaar ah oo  intu beerka iyo boka dhulka saaro ayuu kolba gees u galgasha oo is qalaama-roga oo lagu soo loodin waaya in mar dambee dusha  rar laga saaro.

 

Hadaba doqoniimadda Dameerna ka dhiidhiyeey waxaa wax  ka liita waxaa kal iyo laab u ogolaaday raga u dhashay beesha ciise ee ku kala nool geeska Afrika gaar ahaan kuwa ku jiraa xukumaddaha iyo maamuladda ka jira magaalooyinka Djibouti,Jig-jgga, Dire-dhaba,Hargeysa, iyo Xamar oo dhamaantood lagu shabihi karo Dameer malab xambaarsan.

Ragu waxay ka dhasheen beel maanta iyo shalayba ahayd/ Super-Power / oo min magaaladda Bula-xaar ilaa wabiga Hawash waran iyo gaashaan ama bilaawe iyo golxad ku ilaalin jirey wax ay sii durgiyaan mooye aan lagu soo safaadi jirin.

Maanta waxay beesho haysta awood siyaasaddeed,mid ciiddan,iyo mid dhaqan- dhaqaale intaba wuxuna beesha illaahay  ka badbaaday burburka ku habsaday ummaddi soomaaliyeed hadana beesho waxay tirsan oo mustaqbalka dhoow iyo kan fog labada ay ka cabsi qabtaa in xaga siyaasadda dhulka lagu jiido taasna ay igu wacan tahay raga ugu jira saxa siyaasadda oo meel kasta oo ay jooganba laga wada dayrin oo sadexddi gees ama dal ee reer Yurub u laka qaybsheen beesha ay sadexdiiba ay mid mid dhaama lahayn.

1.Hadaan tusaale dhoowr ah soo qaadano ismaamulka Soomaalida Ethiopia ee maanta lagu liibaanay waxaa lagu aasaasay oo dhidibadaa loogu taagey magaaladda Dire-dhaba waxaana muruq iyo masgax ku baxshay aqoon-yahaan iyo wax garad ciise oo laantood ma jirin meel ay soomaali iskugu iman kartay oon ka ahayn dhulka ciise dego gaar ahaan gobolka Sitti  gun-dhigi adkaaga ee  shirka lagu dhisay wuxuu dhalay is maamul dawladdeedka kililka shanaad ee soomaalidda Ethiopia,nasiib daradda uga soo hoyaday beesha ciise waxay noqotay in magaaladda Dire-dhaba laga fara maroorsho dadka xaqa u lahaa iyagoo arki oon ka hadlin waxaana magaaladdi Dire-dhaba lagu abaal marshay qowmiyadda Oromadda ,Oromaddi lagu casuumay Dire-dhaba waxay ku talaabsaday markay ogaaday in ay Dire-dhaba gacanta ku dhigtay in ku hamiso in ay meelo kale oo ka mid ah gobolka Sitti gacanteeda lagu soo wareejiyo waxayna oromo ku guulaysatay meelo ay ka mid yihiin tuulooyinka Midde iyo Mayso in gacanteeda la soo galiyo iyadoo loogu marmarsiiyoon in ay Oromaddo Afti dadka laga qaaday darteed sidda loo yeelay.

 

Guusha sidda dhibta yar ay Oromo u gaadhay waxaa il gaar ah kula socday qoowmiyadda canfarta oo iyaguna geed dheer iyo mid gaabanba u fuulay in ay gacantooda soo gasho qaybaha ugu muhiimsan gobolkan agoonka noqday ee Sitti canfartu waxay gaashanka ku dhufatay in wax afti ah laga qaado dadka deganka ay rabto in lagu wareejyo waxayna garab iyo gacanba ka haysata dawladda Tigreegu xukumo ee Ethiopia iyo dawladda Djibouti waxaa qudha ee arrinta lagu rabo dhulka ciise ee gobolka Sitti in canfarta lagu daro hor joogi waa Duqayda Gandaha iyo ugaas beesha ciise laantoodna waa hora ayaa arrinta laga soo fara xalan lahaa.

 

2.Soomaaliland waxay ka dhalatay halkan faraha looga gubtay oo ay dadka reer Hargeysa gaar ahaan beesha Issaq usoo gashay siddi ay uga hoos bixi lahaayeen dawladdi Siyaad Barre waxaana gacan libaax ka qaatay halkankaa beesha ciise oo soomaali odhan ahayd beesha qudha ee halkankii ururkii SNM is barbar taagay laakiin maanta markii la gaadhay markii dheef laga leefi lahaa halkankii la soo galay waxaa dhacday ha joogto in ciise wax ka leefo saamigi ay ku lahaayeen Soomaaliland taa badalkeega waxaa maanta jirta oo maamulka Hargeysa sameeyey wax aan wali ka dhicin soomaaliland taas oo ah in dhulkii ciise ee Soomaaliland lagu sameeyo kala googoyn iyo kala qaybin si badheedh ah loogu xumayn beesha ciise oo dhulkoogi lagu kala daray wax loogu yeedhay goboladda kala ah;

Gobolka Saaxil,Gogolka Maroodi-jeex,gobolka Awdal,iyo gobolka Salal oo dhamaantoodna  beeshi ciise ee dhulka lahayd lagu wada xukumo.

 

3.Dawladda Fedaraalka Soomaaliya waxaa tan iyo maalintay dhacday dawladdi dhexe ee Soomaaliya garab iyo gaashan u ah oo maalkoogi iyo murucqooki iskugu daray waa beesh ciise ee waliba maanta ugu daray in ay magaaladda Balad-weyne iyo Buula-Burde dhiigogu qolqolu wiilaal ciise  ah markay joogto saami qaybsiga waxaa la siiyaa qaybti beesha ciise dad iyo beelo aan maalin qudha dhib iyo munaafaqad mooye aan laga hayn wax wanaag soomaaliyeed ah.

4.kuwaa Djibouti jooga oo ah meesha maanta laga hago siyaasada Soomaalida waxay awoodoodu soo dhaafi wayday in ay hooyo irmaan oo dumaashi u ah gacmaha ka dhunkadaan kuna dhawaadaan in ay xita qaarkood u sujuudi gaadhaan Djiboutina waa meesha siyaasada Ciise curyaamisay masuulna ka ah in dhulkii ciise deji jiray wada u noqdo dhul ama la qaaday ama lagu muransan yahay.

Afartaa  tusaale waxay noo muujinaayaan siday siyaasiga ciise iyo dameerki dusha uun laga raran jiray marka rarka laga furan doqonka xooga weyne ah ay isku shabahaan laakiin dameerku ka  galkashay.

Fiiro gaar ah qormadan waxay soo baxday 4 sanno ka hor  4taa sanno ka dib waxaa soo kordhay oo is badalay in galbeedkii gobolka Sitti si kama dambays ah Canfar loo siiyey Bishaan December 3 deedina dhamaan laga wada taagay calankii Canfarta dadkii degankana la dul dhigey ciidan Canfar ah oo la mid ah kann Liyuu Pooliska ina Iley oo aad u hubaysna dushana ay ka ilaaliyaan ciidama Ethiopian ah oo Feedaraal lagu sheego.shuruudihii beenta ahaana ma jirto ila hada hal qodob oo lagu dhaqmay ama la fuliyey.

Xagga salalna waad la socotaan in dadkii deganka Lughaya iyo Saylac ay dhulkoogi Hooyo marti ku yihiin duhor cadna ay Hargeysa iyo Boorama isku haystaan ma jirto beel kale oo Soomaaliyeed ceebta iyo dulinimadda intaa leeg dugsan karto oo aan ciise ka hayn.