Doorashada Aqalka Hoose ee Gobolada Waqooyi oo maanta ka dhaceysa Xarunta Gaadiidka Booliska

 

 

December 06 (XeerNews24)

Doorashada Aqalka Hoose ee xubnaha ka soo jeeda Gobolada Waqooyi galbeed ee Soomaaliland ayaa maanta lagu wadaa inay ka bilaabato magaalada Muqdisho.

Xubno ka tirsan Guddiga doorashada heer feederaal ayaa xaqiijiyay in doorashada xubnaha gobolada waqooyi ka dhici doonto Xarunta Gaadiidka Booliska ee degmada C/casiis.

Odayaasha dhaqanka ee ka soo jeeda Gobolada Waqooyi ayaa codsaday in doorashada loo wareejiyo xarunta Xalane ee Taliska u ah AMISOM, iyadoo uu soo dhoweeyay Ra’iisul Wasaaraha oo ku baaqday in la tixgeliyo codsiga Odayaashaas.

Hase ahaatee Guddiga doorashooyinka dadban ee heer Feederaal ayaa diiday in wax laga bedelo halkii horay loo qorsheeyay in doorashada ka dhacdo oo ah Xarunta Gaadiidka Booliska, iyagoo diiday in loo wareejiyo Xarunta Xalane.

Xarunta Gaadiidka Booliska ayaa horay uga dhacday doorashada xubnaha ka soo jeeda Beelaha Banaadiriga iyo mid ka mid ah doorashada kursiga Aqalka Hoose ee Dir-ta Koonfur.

Saraakiil ka tirsan Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha iyo Xafiiska UNSOM ayaa dadaal ugu jiray sidii Xarunta Xalane loogu soo wareejin lahaa doorashada xubnaha ka soo jeeda Gobolada Waqooyi.

Madaxtooyada iyo Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku loolamaya xubnaha Dirta waqooyi oo loo arko tirada ugu badan ee xubnaha Labada Aqal ka imaanaya.