Ra’iisul Wasaaraha oo soo jeediyay in doorashada xubnaha Gobolada waqooyi lagu qabto Xalane

 

 

December 05 (XeerNews24)

Iyadoo jahwareer iyo muran uu ka taagnaa halka lagu qabanayo doorashada xubnaha ka soo jeeda Gobolada Waqooyi ee Somaliland ayaa war saxaafadeed ka soo baxday Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha,

 

waxaa lagu talo lagu soo jeediyay in doorashada Gobolada waqooyi ee Somaliland ka dhacdo xarunta Xalane oo ah talis u ah Ciidamada AMISOM, kuna yaallaan safaaradaha qaar ka mid ah dalalka reer galbeedka.

War saxaafadeedka ka soo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa lagu sheegay Odayaasha dhaqanka beelaha Dirta waqooyi ay soo jeediyeen mowqifkooda ku aadan halka lagu qabanayo doorashada Gobolada waqooyi ee Aqalka Hoose ay ka dhacdo xarunta Xalane.

Sidoo kale war saxaafadeedka ayaa lagu faray Guddiga doorashooyinka dadban ee heer federaal iyo heer gobol inay tixgeliyaan codsiga odayaasha Gobolada Waqooyi.

Guddiga doorashada heer federaal ayaa horay u soo saaray in doorashada xubnaha Gobolada waqooyi lagu qabto Xarunta Gaadiidka Booliska, iyadoo dhowaan lagu qabtay doorashada xubnaha beelaha banaadiriga iyo mid ka mid ah kursiga Beelaha Dir-ta Koofur oo mar kale loo doortay Mahad Cabdalla Cawad.

Madaxtooyada iyo xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku loolamaya xubnaha ka imaanaya Gobolada Waqooyi oo loo arko codod saameyn ku leh doorashada, waxaana maalmahan jiray warar soo baxayay oo sheegaya in odayaal ka soo jeeda gobolada waqooyi la afduubtay, iyadoo Ra’iisul Wasaaraha ku eedeeyay Ciidamada Nabadsugida inay fara gelin ku hayaan doorashada, kana dambeeyeen afduubta odayaasha.

Hase ahaatee Taliska Nabadsugida ayaa hadalka Ra’iisul Wasaaraha beeniyay, iyagoo soo bandhigay oday dhaqameedkii la sheegay in la afduubtay, kaasoo beeniyay haba yaraatee in la xidhay ama la afduubtay.

Akhriso war saxaafadeedka ka soo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha:-

war