Ra’isul Wasaare kuxigeenka Somalia oo goordhaw kamid noqday Aqalka Hoose

Waxaa goordhaw xarunta Gaadiidka booliiska ee magaalada Muqdisho ka bilaabatay doorashada xubnaha Aqalka hoose ku matalaya Baarlamaanka Soomaaliya beelaha dega Gobolada Waqooyi.

Waxaa la filayaa in maanta la doorto dhoor kursi oo kamid ah Xubnaha Aqalka Hoose ee beelaha dega gobolada Waqooyi, waxaana kuraasta qaarkood ku tartamayay Siyaasiyiin caan ah oo qaarkood dalka xilal sare ka haya.

Ra’isul Wasaare kuxigeenka Soomaaliya Maxamed Cumar Carte ayaa goordhaw ku guuleestay doorasho ka dhacday Xarunta gaadiidka booliiska ee magaalada Muqdisho, waxa uuna ka guuleestay musharax kale ee la tartamayay.

Guddiga Doorashooyinka ayaa sheegay in Maxamed Cumar Carte uu helay codad gaaraya 47 cod, halka Musharax la tartamayay Axmed Ismaaciil Xuseen uu helay 4 cod, waxa uuna noqday Xildhibaankii ugu horeeyay gobolada Waqooyi ku matalaya Baarlamaanka Hoose ee la doorto.

Doorashada Xubno kale oo kamid noqonaya Aqalka hoose ayaa ka socota Xarunta Gaadiidka booliiska, waxaana maanta la dooranayaa dhoor kursi oo kamid noqonaya Xildhibaanada Aqalka hoose ku matalaya beelaha dega Somaliland..