Taliye ku xigeenka Booliska oo gaadhay Jabuuti +Sawirro

Djabuuti(XeerNews24)

Magaalada D’Jabuuti ayaa waxaa shalay gaadhay Wafdi ka kooban Saraakiil Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed oo uu hoggaaminaayo Taliye Ku Xigeenka Ciidanka S/Guuto Bashïìr Cabdi Maxamed.

Wafdigaasi ayaa ujeedada Safarkoodu ahaa sidii ay uga qeybgalaan tababarka ay Ciidamada Karanbinyeeriga Talyaaniga ay siiyaan Saraakiisha iyo Saraakiil Xigeenka Ciidanka, islmarkaana lala kaashanaayo Ciidamada Boliiska Dalka Jabuuti.

Xafladda Xidhitaanka tababarkaasi ayaa dhanka Ciidanka Karanbinyeeriga Talyaaniga ka soo qeyb galay wafdi uu hoggaaminaayey Taliye Ku Xigeenka Ciidankaasi, Dhanka Dawladda Jabuuti Waxaa ka soo qayb galay Wasiirro, Xildhibanno Iyo Taliyayaasha Ciidamada Dalka Jabuuti.jab1jab2jab3jab4jab5jab6jab7jab8jab9jab10jab11