Dawladda Djibouti oo 6 Milyan oo lacagta Eruga ah ka Helaysa wadamada reer Yurub
Jabuti- (XeerNews24)
Safiirka wadamada Midiowga Yurub u fadhiya dalka Jabuti Adam Colach ayaa sheegay in Saddexda Sano ee soo socota ay Dowladda Jabuti siin doonaan lacag dhan 6 milyan oo Ero si ay wax uga qabato ka gacacsiga sharci darada ah ee dadka iyo tahriibka intaba.
Sida ay sheegtay Wakaaladda Wararka ee Jabuti waxay ay talaabadan ka tarjumaysa hirgelinta heshiis ay hore magalada Khartuum ee dalka Sudaan ay ugu gaareen wadamada Geeska Afrika iyo dalalka kale ee ku bahoobay Midawga Yurub kaasoo la xidhiidhay ka hortagga ka ganacsiga dadka iyo tahriibka sharci darada ah oo ay dad badan ku dhamaadeen Badaha.
Sidoo kale Qorshahan ay wadamada Yurub ku maalgelinayaan la dagaalka tahriibka iyo ka ganacsiga dadka sharci darada ah ayaa waxa u ka tarjumayaa dhaqangelinta heshiis kale oo magaalada ROMA lagu gaadhay Sanadkii 2014 kii. ee isla arrintan khuseeye.
Dawladda jabuuti ayaa waxa ay bishii tagtay ee Oktoobar qabatay shir looga hadlayay wax ka qabashada qulqulka tahriibka iyo ka ganacsiga dadka ee sahrci darada ah .