Keeba Bursaday Dhul Boobka lagu Hayo degaanadda beesha ciise?

Ilaa qaraniyo fog iyo ilaa iyo intii gumaystayaashii reer Yurub soo galeen dhulka
Soomaalida,waxaa la ogyahay in beelaha Soomaaliyeed,beel walba lagu yiqiin
degaanno u gaar ah,inkasta oo aysan manuuc ka ahayn in beel kale la degto,
si kastaba ha suurtagashee.Beelaha Ciise,oo ah beelo aad u baladhan,waxaa
la ogyahay inay kala degaan seddex,ama seddex dal ba haan idhahdee,oo kala
Soomaaliland,Jabuuti,iyo Itoobiya.Ciisah degaankoodu ahaa,Itoobiya,waxaa
dagaal had iyo jeer kala dhaxayn jiray,dawladdii Boqor Haile Selasse,oo
u diidayay inay xoolohooda ula guur guuraan hadaba meeshii roob ka da,yo
hase yeeshee,Ciisuhu kama ogolaan jirin,ee way u jilibdhigii jireen kamna
guulaysan jirin.
Jabuuti,waxa ay ahayd meel gumaysigii Fransiisku ilaa muddo dheer ka talin
jiray,uuna ku ciqaabi jiray ummadda waxaana ka socon jiray mudadii g/ysiga
halganka oo la rabay in lagu xoreeyo dalka,haba loo kala badsadee marka
la eeg beelaaha wax ka dega Jabuuti.Markii la helay gobanimaddii loo soo
dagaalamay,cidna lama odhan halgankii baad ka gaabiseen,ee cid walba waa
la soo dhaweeyey,waxaana hadda ka jirta dawlad loo siman yahay
Hadaan u soo leexdo dhinac somaliland,Ciisuhu,wuxuu ka deganan jiray
degaanka ugu taarikh dheer degaanada somaliland oo ah gobolka Saylac,iyo
degaanadda kale ee iyada hoos iman jiray ee ay mid tahay,Lughaya,Ceelshikh
Cabdi Geedi, iyo Ceela hélay.Lughaya,waxaa la sheegay in la raaciyey
gobolka Borama oo malaha sida dadka qaarkii jecel yihiin,in loogu yeedho
Awdal,arrintasna u Daahir Rayaale hor boodayey intii u madaxweynaha ka
ahaa somaliland,taasina wax ay keentay,in  beel kalen,anaguna waa inaan
la wareegno goobaha kale ee ay ka mid yihiin,Cabdi Geedi,Ceel-lahelay, iyo
Damasha,oo dhamaantooy ah bariga Lughaya,diwaagelintii dalka laga sameeyeyna loo diiday inay ka dhacan,ulajeedaduna ahayd kaliya shacabka  degaanadas,ma siin doonan codka mushraraxa aan rabno,iyo wax la
mid ah, goobahasna la rabo in la raaciyo gobolka Maroodi-jeex.
Hadana bal dhinac,DDSI,ee madaxweynaha ka yahay Ina Illy.Isagu dhul Ciise
ma qaadan,hase yeeshee,u waxa uu qaybo ka tirsan degaanadda beesha ku
wareejiyey DD Canfarta,sobobtuna,waxa ay ahayd dhaqaalihii lagu horumarin
lahaa deganadas inuu ku hor mariyo degaanadda u ka soo jeeddo. Isku soo
wada duub,maxaa keenay inay degaanaddii beesha,dad kale niba sidii u
rabo ka yeelo? jawaabtu ma foga,mana ah mid muran ka taagan yahayee ee
qof walawba maskaxdada ka doon.

Qore:H.M.W.