Iyadoo maalintii labaad uu galay shirka Madaxda Madasha Wada-tashiga Qaran ayaa waxay isku afgarteen xilliga rasmiga ah ee ay dhaceyso doorashada Madaxweynaha iyo Guddoonka Baarlamaanka iyo weliba xiliga la dhaarinaayo xildhibaanada labada aqal.

Warku wuxuu intaa ku darayaa in qodobo horudhac ah la isku afgartay, qaar kalena ay wax ka dhiman yihiin, iyadoo kuwa dhiman ay u badan yihiin cabashooyin ay Puntland tirsaneyso oo ugu horeyso tabashada xubnaha Aqalka sare ee Gobolada Waqooyi.

Madaxda Madasha iyo Wakiilada beesha caalamka ayaa isku raacay :-

1-In 15ka bishan la dhaariyo xildhibaanada labada aqal ee baarlamanka Somalia.

2-In 22-ka isla bishan la qabto doorashada guddoonka Baarlamanka iyo ku-xigeenadiisa.

3-In doorashada ugu dambeysa ee Madaxweynaha Somalia la qabto 28-ka bishan.

Ergeyga Qaramada Midoobey Micheal Keating ayaa ku celiyay in doorashada aanay dhaafi karin bishan gudaheed, maadaama shirka Golaha Ammaanka ee dhacaya horaanta bisha Janaayo ee sanadka cusub 2017 laga sugayo inuu warbixin ka jeediyo, sidoo kale waxaa shirkaas khudbad qadka la iska arko (Video Confrence) ka jeedin doona Madaxweynaha cusub ee la doorto.

Hase ahaatee caqabado wali ka jira dhameystirka hanaanka doorashada iyo arrinta Aqalka Sare ee Somaliland ayaa waxaa ay ku keeni karaan dib u dhacyo mar kale soo wajaha doorashada Soomaaliya ee sanadka 2016.

Dhinaca kale Guddiga doorashooyinka dadban iyo Guddiga madaxa banaan ee xalinta khilaafaadka oo warbixin laga dhageystay ayaa sheegay in 25 kiis oo cabashooyin la haayay lagu soo koobay 8 kiis, isla markaana sida ugu dhaqsiyaha badan 8-da kiis ee taagan lagu xalin doono, waxaana ay u badan tahay kuraas qaarkood muran ka dhashay in la diido oo dib loo celiyo.

Madaxda Madasha Wada-tashiga Qaran ayaa lagu wadaa in saacadaha soo socda ay war murtiyeed ka soo saaraan shirkooda, iyadoo la sheegayo in qeyb ka mid ah War murtiyeedka uu diyaarsan yahay, ayna ka dhiman yihiin qodobo qaar oo aan wali la isku afgaran.