Hay’adda NISA oo soo bandhigtay taargada gaadhiga ku qarxay Siinka dheer “SAWIRRO

Hay’adda Nabad sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ayaa soo bandhigay taarko ku xidhneyd gaadhi maanta ku qarxay agagaarka Siinka dheer, halkaasi oo ay ku dhinteen labo qof oo uu mid ka mid ah ahaa askarigii baadhaayay gaadhiga qaraxa waday iyo naftii halige ka tirsanaa Al-Shabaab.

Saraakiisha ciidanka Nabad sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ayaa sheegay in taargada ay soo bandhigeen ay tahay tii ay ku xidhneyd gaadhiga ku qarxay Siinka dheer ee ay baadhitaanka ku sameynayeen ciidamada Nabad sugidda.

Gaadhiga Qaraxa laga soo buuxiyay ayey ku qabteen Ciidanka NISA agagaarka Siiinka dheer, wuxuuna qarxay gaadhigu intii uu baadhitaanku socday, iyadoo uu ku dhintay hal Askari oo ka tirsan NISA, uuna ku dhaawacmay askari kale iyo ismiidaamiyihii gaadhiga qaraxa laga soo buuxiyay watay.

Ciidamada amniga ayaa habeen iyo maalin waxa ay u taaganyihiin inay ka hortagaan dhagarta ay maleegayaan argagixisada Al-Shabaab, waxaana damaca dhagar qabaha isku qarxiyay gaadhiga uu ahaa in uu gumaado dad rayid ah, balse ciidanka NISA ayaa ka warhelay xogta ah in gaadhiga uu qarax ka buuxo.Taarkada gaadhiga qarxay sidaa ka muuquto waxaa laga leeyahay maamulka Hargeya oo il xun ku eegaysa Doorashooyinka Xamar ka socda.

received_1765486413773508 received_1765486397106843 received_1765486373773512 received_1765486303773519 received_1765486273773522