Wax ka Baro qayb ka mid ah Magacdi Haldoorkii reer Saylac iyo Lughaya

Magaca Haldoorka Haldoorku Xilkii u ahayn jiray Xasuus Haldoorka ugaar ah
1.Buraale Rooble Senateur magaalada saylac ee 1921-kii Senateur Buraale waxaa laga soo wariyey in u kala furdaamiyey mar ay Ingriiska iyo Fransiisku isku qabteen halka si rasmi ah looga dhigi doona xuduuda Lowyacde.
2.Axmad Qummane Rayaale Siyaasi iyo xildhibaan Gudoomihi labaad ee

golihii baarmaankii soomaaliyeed ee 1964-kii.

3. Bahdoon Diirane Dagaal yahan iyo geesi gumeysi diid ahaa(Bahdoon Gacanloow) Waa geesigii dilay gaalkii calaamadaynaayey xuduud beenaadka maanta ee duleedka magaalada cabdulqaadir.
4.Faarax Geedi Garoobe (faarax Mulac) kornayl ciidanka Booliska Soomaaliyeed Hallo Faarax Speak wuxuu saargalka qudha ee luqada Ingriiska si fiican ugu hadli jiray waana sababta loogu baxshay Faarax Speak.
5.Cilmi Faarax Nuur Maayarki magaalada Saylac Waa maayarki ugu horeeye ee magaalada saylac yeelato sannadkii 1960-kii.
6.Khaalid cabdi Diiriye Mayarki magaalada saylac Wuxuu ahaa maayarkii magaalada Saylac inti u dhexaysay sannadihii 1969-ila 1984-kii.
7.Daahir Xirsi Cali Mayarki magaalada saylac Wuxuu ahaa Maayarkii magaalada saylac sannadihii 1984 ila 1990-kii.
8.Maygaag Yoonis Captain ciidanka Booliska Soomaaliyeed Wuxuu ka mid noqday maayaraddi soo maray magaalada Saylac.
9.Xaaji cali saalax Diirir Caaqil reer Saylac ahaa Wuxuu ahaa halyeygii Janaale iyo Dr.Saalax aabahood waxa lagu xasuusta in macalinki Ingriiska ahaa ee wax ka dhigi jiray magaalada saylac ay isku dhaceen ka dib marki macalinku Dr,saalax oo wiil yar ahaa iskuulka ka eryey Xaaji Saalaxna macalinkii u sheegey in ay saylac wada joogi karayn marba haddi wiilkiisa skuulka laga eryey
10.Aadan Geele Mucalinkii iskuulka Cabdulqaadir Macalinkii ugu horeyey ee reer salal ah ee skuulka magaalada   Cabdulqaadir ee ila maanta jira macalin ka noqday sannadihii 1957-kii.
11.Coolaad Geele Mucalinkii iskuulka Cabdulqaadir Macalinkii labaad ee reer salal ahaa waxay waalaalo ahaayeen Aadan Geele wuxuu macalinnimadda la wareegey markuu walaalkii Aadan Geele Geeiyooday.
12.Xassan Diiriye( Sacajil) Kornayl ciidankii Booliska Soomaaliyeed Waxaa loogu magac daray Skuul lagu magacaabi jiray Xassan Diiriye oo ooli jiray magaaladda Muqdisho gaar ahaa xaafadda Hawl wadaag.
13.Cabdilaahi issaq Kornayl ciidankii xooga Soomaaliyeed Wuxuu ku dhintay dagaal ku dhex maray magaalada Lughaya ciidankii dawladdi Soomaalia iyo jabhadi SNM maantana kuma jiro mujaahidinta ay Hargeysa sheegto.
14.Cumar Cusman yaabe Gar soore ka shaqayn jiray wasaaraddi cadaalada ee magaalada Boorama Wuxuu ku soo dambeeyey xildhibaan golihii baarlamaanta ummada Soomaliyeed.
15.Cabdillahi Rayaale Shaqaale saree wasaaraddii taclinta sare qaybta Artiskiga Wuxuu ahaa farshaxanistee ku xeel dheeraa sawir gacmeedka waxaa dhacday in ay dawladdi Ingriisku ka caydhisay shaqadiisi mishaarkiisina waa loo diiday ka dibna waxaa la sheegey in u gacantiisi ku samaystay lacag u eeg tii u Ingriisku mishaarka ku bixin jiray.
16.Cumar Qaadi Caaqil iyo abwaan weyn oo reer Cabdulqaadir ahaa Tuduc yar oo ka mid ah gabaygii caan baxay(Dhug halkaan idhaa soow hurdaa dhaaxa kamaa toosin)
17.Cusman Hande Siyaasi iyo abwaan gabyaa weyna oo reer Saylac ahaa Tuduc yar oo ka mid ah gabaygii Caan baxay(Casa-joogu ciisaha ka dhalay waana cayn kale,ee cadaygay dhex joogaan ilka kuma cadaystaane)
18.Aadan Bile Obsiiye Odey dhaqmeed iyo caaqil reer xariirad ahaa Anigga xoogga Xariirad Xamar iiga wanaagsan.
19.Dr.Saalax Dirir Gudoomihi jaamacaddi ummadda soomaaliyeed ee magaalada Muqdisho Wuxuu noqday safiirkii ugu horeeyey ee dawladda Djibouti ku yeelatay xarunta qaramadda midoobay ee magaalada New York.
20.Xaaji Muuse Axmad Shirwac Xildhibaan laga soo doortay magaalada Cabdulqaadir Wuxuu ka mid ahaa xubnihii ugu jiray beesha ciise golihii baarlamaankii soomaaliyeed ee 1960-kii.
21.Xaaji Jaamac Geele (GeeleCandhoole) Xildhibaan ka soo bixi jiray magaaladda Saylac Wuxuu ka mid ahaa xubnihii ugu jiray beesha ciise golihii baarlamaankii ummadda Soomaaliyeed ee 1960-kii.
22. faarax Wacays Dhuule(Faarax faras) Gaashaanle sare iyo wasiir

 

(Ani ogaantay wali wuu noolyahay Faarax faras)

Wuxuu beesha ciise ugu jiray xubnihii ka dambeeye inqilaabkii   dhacay iyo kacankii ka curtay dalka Soomaaliya sannadkii 1969-kii.
23.Cabdi Samatar Dagaal yahan reer Toqoshi ahaa Sannadkii 1898 wuxuu weerar gaadmo ah ku laayey askar Marine Fransiis ahayd waxay isagaa iyo koox la socotay halka ku dileen 7 askari oo Fransiis ahayd waxaana weerarka loo yaqaan Massacre d,Obock marku weeraku dhacday ma jirin magaca magaalada iyo dalka Djibouti wanaa sababta loogu baxshay dagaal magaca Obock.

 

Inta yar ee Magacddan iyo taarrikhdan haldoorka beesha ciise ee reer saylac iyo Lughaya iyo qaar kalo badan oo boqolaal iyo kumanyaal ah oo la iloowbay ujeedada koobaad ee aan wakhtigga qaaliga ugu bixinay waxay tahay in ay da,yarta soo Koreysaa ee reer Salal iyo kuwa aduunka daafihiisa ku kala nool ay bartaan in dhulkan xeebta saylac iyo Lughaya ay igaa hortood ay ka soo talin jireen rag qiimo iyo qaaya weyn ku lahaa dhulkooga hooyo sabankii ay jooggen raggaasi marna ma soo marin ta maanta ka taagan dhulkooga iyo wax u dhow toona.

Qormadan waxaa kaloo ay hugga tusaalayn u tahay in ay masuuliyiinta soomaaliland ee gobolka Salal gaar ahaan Saylac iyo Lughaya ee beesha ciise siibba wasaaradda wax barashaddu in ay dib usoo nooleeyaan u sameeyaan magacdan iyo taarrikhdan oo ay ku maamusaan uguna magac bixiyaan ha,yadda dawladda ee gobolka sidda Skuulada,Masaajidda,wadooyinka,Xarumaha caafimaadka, iyo la mid ah.

Intaa aan xasuusto waxaa qudha ee gobolka Salal ka jira ee lagu maamuusay magacdan iyo haldoorkan waa magaalada xariirad iyo dugsiga hoosa dhexe ee Aadan Bile Obsiiye.

 

Isku soo wada duubo reer Salalka maanta nool waxay ku sifoobeen;Hal hayskii Soomaaliyeed ee ahaa;

DAMBAS DAB DHALAY.