Madaxweyne Xasan Sheekh oo booqasho lama filaan ku tagay Safaaradda Imaaraadka ee Muqdisho

 

December 13 (XeerNews24)

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa galabta booqasho ku tagay Safaaradda Imaaraadka Carabta ee Muqdisho iyo isbitaalka Sheekh Zaa’id oo ku dhow Safaaradda.

Booqashada Madaxweynaha oo aheyd mid lama filaan ah ayuu Madaxweynuhu ugu kuur galayay howlaha Safaaradda iyo dhismaha Isbitaalka cusub ee Imaaraadka leeyahay, kaasoo la sheegay inuu si lacag la’aan ah dadka lagu daweyn doono.
Madaxweynaha oo uu wehliyey Sii haya xilka safiirka ahna kuxigeenka safiirka ayaa warbixin ka dhageystay howl-wadeenada iyo Dhaqaartiir ay ku jiraan Soomaali oo ka howl gala Isbitaalkan oo wali uu ku socdo dayactir ballaaran.
Xidhiidhka Madaxweynaha iyo Imaaraadka Carabta ayaa muddooyinkii u dambeeyay sii xumaanayay, kaddib markii Imaaraadka ay si cad u diideen in Madaxweyne Xasan Sheekh soo laabto, iyagoo bilaabay inay taageeraan Musharaxiinta ka soo hor-jeeda.
Madaxweyne Xasan Sheekh oo wariyeyaasha kula hadlayay gudaha Safaaradda ayaa sheegay in booqashadan ujeedkeedu yahay muujinta xidhiidhka wanaagsan ee u dhaxeeya labada dowladood.
“Imaaraadka Carabta waxaa uga mahad celineynaa mashaariicda ay ka wadaan Soomaaliya, maalmahan waxaa socday dacaayado lagu wayeeleynayo xiriirka iyo saaxibintimada ka dhaxeysa Soomaaliya iyo Imaaraadka, taas waa been abuur, xidhiidhka labada dal u dhaxeeya mar walba waa uu sii xoogeysanayaa”ayuu yiri Madaxweynaha.
Safiir kuxigeenka Safaaradda Imaaraadka Carabta Xamdaan Rashiid Al-Shamsa ayaa isna ka mahad celiyay booqashada Madaxweynaha Soomaaliya ku yimid Safaaradda, isagoo hoosta ka xariiqay in uusan marnaba xumaan xidhiidhka Soomaaliya iyo Imaaraadka, labada dal ay yihiin walaalo.
Safiirka Imaaraadka Carabta u qaabilsan Soomaaliya Maxamed Al-Cuthmaan ayaa ka maqan magaalada Muqdisho, tan iyo markii ay soo baxday in Imaaraadka ay daneynayaan arrimaha doorashada iyo shirarkii ay Madaxda Imaaraadka Carabta ugu qabteen magaalada Abu Dhabi, waxaa uu muddooyinkan ku sugnaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya.
Imaaraadka Carabta oo si aan horay loo arag ugu lug leh siyaasada Soomaaliya, ayaa rumeysan yahay inay taageerayaan Musharaxiin dhowr ah, iyagoo ka soo horjeeda in mar kale dib u soo laabto Madaxweyne Xasan