Rag waa Ragii Hora Hadalna waa Intuu Yidhi

Waxaa ah mahmah soo jireen ah,RAG WAA RAGII HORE,HADALNA
WAA INTII U YIDHI.Waxaan filayaa in jiilalkii hore,wixii
ay u soo qabteen dalk,aysan jiilalkan dambe aad uga gaabi-
yeen,dhinackasta oo la eego,haddii ay tahay kartii iyo
hadalo xigmad ku dhisan,sida mahmahaha.sidas darteed baa
loo yidhi rag waa ragii hore,hadalna waa intii u yidhi.
Haldoorradda,u saxiibkaygu xusay,ee ay ka mid yihiin
ilaahay ha u naxaariste Buraale Rooble,waa ninkii,dagaalkii
labaad ee adduuyadda ka dhacay.markay wakiiladd gumaysta-
yaashu ka qexeen dalka,go’aan  ku gaadhay inuu,si u wax uga
beddelo xaduudii u dhaxaysay Fransiiska,iyo Ingriiska,oo
markii hore ahayd meesha loo yaqaan Bariisle,dhalo ama
qaruurad intu warqad ku riday,ku aasay meesha hadda xaduudu
tahay ee Lowyacde,markii wakiiladda gumaystayaashu soo
laabteenna ee lagu murmay meeshii ay xaduudu ahayd ee yidhi
waatan meeshi u qaruuradda ku aasay.
Hadaba dada maanta joogta,maka suurtagali lahayd inuu ku
fikiro inuu sidas yeelo. Jawaabtu waa Maya.
Farax Geedii Karoobe(Faray mulac),wuxuu ka tirsana
sarakiishii Booliska somaliland ee loo yaqiin somaliland
protectorate,wuxuuna ahaa sarkaalka qudha ee kiisaka wawayn
loo xilsaari jiray,wuxuuna inta badan ku hadali jiray luqada
afka engilsha.Markii gobonimadda la qaatay,ee la isku daray
booliskii somaliland iyo kii Somalia,ninkii madaxda looga
dhigay,iyo Farax waa ay iska horyimadeen,isgaa oo Farax ku
durayay inuu yahay nin sharciga ku dhigan,oo dad aniga ila
qaraabo ah sharciga la tiisaday,sidas awgeedna,Farax laga
horjoogsaday wixii dalacaad la bixinayay.
Cumar Qaadi(Cumar Cadaawe Cali Kuraan),wuxuu ah qaadiga
Cabdulkaadir,hase yeeshe,ma ahayn nin ku eg qaadi ee wuxuu
ahaa,nin dhan walba buuxiya oo siyaasi ah,Chief-aaqil ah,
oo garsoora ah.oo gabyaa ah.
Aqil Aadan Bile,wuxuu ahaa nin kaftan badan ah,oo hadalkii u ku
dhawaaqo,dadku wada dhagaysto. Wuxuu ah nin aan runta ka

gaban,eexana anan aqoon.
Cusmaan Handde,wuxuu ah gabayaa,hase yeeshee,gabaygiisu
wuxuu u badana midka geela. Waxa la sheegay inuu wiikiisa
oo isna gabyi jiray,ku yidhi,geela waan arorinayna’ee
adigu ama gabayga geela ku aroori,ama ku soo fuli,labada
mid dooro.Wiilkii wuxuu ku jawaabay,aniga waan ku soo
fulinaya,ee adiga aabow ku aroori.Waakan gabayi u Cusman
geela ku aroorshay,DHOGOR MACASWISLEEYEY HADAYI MAAGAD KA
AROORTO,OO MAQASHA LAMA RAACIYE MEELO LAGU REEB,WAXAY SII
MUSHEXDABA HADDII CEELKA LAGU MOOSO,MAYAL WEYNTA LAMA
JOOJIYO iyo AYRADII MUDDANE,MARIID CEELKA LOOGUMA RIDIYO KII
MIDIIDE,AFKA MUDAYSABA MARKAY MAXDA HORE QAADO;SIDII FRANJI
MAASH TEGAY MARKAY OLOL LASOMEERTO,UL MURAARLE WAA U TAAGII
MACLINKEEDIYE.
.
-La soco qaybta dambe.
qore.H.M.Warsame