Xasuuq iyo Gumaad aan loo Meel Dayin oo Ka socda Magaalada Xalab ee Dal Suuriya
Xalab –(XeerNews24)-
Qaraamada Midoobay ayaa sheegtay in Ciidamada ka amar qaata Madaxweynaha Suuriya Bishaar Al- Asad ay ka bilaabeen bariga Magaalada Xalab inay dadka rayidka ah oo weli halkaa ku hadhsan ay ku dhex dilaan Guryahooda.
Warbxin ay maanta soo saartay Qaraamada Midoobay ayaa lagu sheegay in Ciidamada Xukuumadda Suuriya markii ay qabsadeen Bariga magaalada Xalab ay durbadiiba bilaabeen inay si deg deg ah Guryahoodii ugu dhex dilaan in ka badan 82 qof oo ay ku jiraan Haween, Caruur iyo dad waayeello ah.
Afahayeen u hadlay Qaraamada Midoobay ayaa sheegay in Bariga magaalada Xalab ay ka jirto xaalad bani’aadanimo tii ugu darnayd iyo waliba xad gudub ka dhan ah xuquul insaanka .
Xoghayaha Guud ee Qaraamada Midoobay Ban ki Moon ayaa goor sii horeysay sheegay inuu aad uga walwalsan yahay xaalada bani’aadanimada iyo warbxinada sheegaya in magaalada Xalab ay ka jirto wax uu ku tilmaamay xasuuq kii ugu xumaa taarrikhda aduunka.
Wuxuuna ugu baaqay dhamaan qaybaha ku dagaalmaya magaaladaasi inay u tudhaan dadka rayidka ah gaar ahaan sidii loo samatabixin lahaa nolashooda.
Masu’l sare oo u hadlay Dowladda Maraykanka ayaa sheegay in dad gaadhaaya 50 kun oo qof ay weli halis ku jiraan kuna go’doonsan yihiin Bariga magaalada Xalab, wuxuuna intaa raaciyay inay Dowladda Ruushka ay ku gacan seydhay codsi xabad joojin ah sidii dadkaasi rayidka ah ay u helaan fursad ay go’doonkaasi uga baxaan.