War Deg Deg Ah :In ka badan 10 Xildhibaan oo Doorashadoodii la diiday (Aqriso Magacyada iyo Qabiiladooda)

Guddiga Madaxa Banaan ee xalinta Khilaafaadka Doorashada Soomaaliya ayaa soo bandhigay magacyada 11-Xildhibaan oo doorashadooda la laalay, kadib markii Guddigu sheegay in nidaam aan sharci aheyn lagu doortay kuraastaasi.

Xubnaha ugu badan ee Guddiga Khilaafdka ay laaleen doorashooda ayaa laga soo doortay Maamul goboleedyada Koonfur Galbeed Soomaaliya, Hirshabelle iyo Puntiland, waxaa sidoo kale Guddiga soo diideen xubno kale oo iyagana lagu doortay Cadaado iyo Kismaayo,

Guddiga Khilaafaadka ayaana sheegay in kuraastan natoojadooda la laalay mar kale doorashooda dib loogu laaban doono, waxaana mar kale in uu tartamo loo diiday Wasiirka dhalinyarda iyo Ciyaaraha Maxamed Cabdulaahi Nuux.

Halkan ka Aqriso Warqada kasoo baxday Guddiga Xalinta Khilaafaadka.