Tix Gubay ah oo Loogu Baroor Diiqi Shacabka Sunniga ee Magaalada Xalab lagu Moora Duugay

XALAB SUURIYA
Dunidani Xornimo iyo
Xadaarada ku faanka ah
Xawaanka korisee
Xurmadiisa dhowrka ah
Xasharaadka duuliyo
Xuunkiyo waraabaha
Xuquuqdiisa doonka ah
Xalab dhiiga daadani
Maatida ku xidhantee
Xabaal looga dhigay guri
Gaajadu ku xiintee
Xaaraanta maytkiyo
Xubnahooga dhuunyani
Xaawalayda dumaree
Xulafadu xijaabkiyo
Xurmadii ka qaadeen
Xaynkeeda faydeen
Xaajiyada gaboobee
xayaatada la seejini
Xeerkeed la yaabee
Ma dad Xoolahaa iyo
Xawaan ka liitaa ?!!!
Ma xerada islaamkiyo
Xaakimkay qireen baa
Lagu xawdinaayaa
Xukun looga dhigayaa ?!!!
Xisaabuhu qaribanaa
Xaajadu gurracanaa !
qofka xayfa lagu dilo
Iyo xalab dadkeedani
Miyay xaawa wada dhalin
Xayaatadu miyay simin ?!!!
Xaakimow allahayow
Adigaa xakiimoo
Miidhada xarimayoo
Kala xeera dunidee
Shiicadan xad dhaaftiyo
Gaaladan axsaabta ah
Xukunkooga siiyoo
Suuriya Xorowdaa
Suuriya Xorowdaa
Amin Amin Amin

(Gaaxdii : Diirane Caroog)