Dib U Curashadi Ina Iley ee Gobolka Sitti oo isku badashay Dib U Curyaamin iyo Dhaxal Wareejin.

Ragga Sheegta Siyaasiyinta Soomaalidu waxaa dadka ay hor-joogaha u yihiin ku maaweeliyaan waxaa loogu yedho Eri Bixin cusub oo inta badan ku ugub ku ah dhegaha iyo Maqal ummadda ay madaxda u sheegtaan,Eri bixinta cusub waxay ka soo dheehdaan kalmad af soomaali ah oo qurux badan oo macnaha ay muujin iyo asalkeegaba la wada yaqaan si ay uga iibshaan sawir dhalaan habababis ah.
Iyadoo Arintaa laga Duuli wuxuu ina iley la yimid kalmad la Yidhaahdo DIB U CURASHO oo dadka Soomaalida Ethiopia lagu dhega wareershay dhawrkii sannee la soo dhaafay inkastoo u Ina Iley dhalashoo ahaan ka soo jeeda degaano Soomaaliyeed oo suugaanta iyo Naxwaha Af Soomaaliga Hodan ku ah oo ay ka soo jeedaan rag aan dabadood laga hadal ku xeel dheerida afka Hooyo ee Soomaaliga oo aan mid iyo labo usoo qaadan karno sidaa ;Sayd Cabdille Xassan,Ragga Ugaas ,Macalim Dhoodaan, iyo qaar kalo badan Hadana waa xaal aduune wuxuu ina Iley la shir yimid waxaa uu ugu magac daray DID U CURASHO oo lagu wareerey u jeedada iyo macnaha uu ka leeyahay iyo cidda kula talisay Eri aan macne ahaan ku jirin af Soomaaliga lagu Hadlo in u xayeeysiis iyo Propangaandee u soo qaato.
Dadka Soomaalida Ethiopia gaar ahaan reer Sitti waxay marar door ah iska warsadeen in u jiro wax Hal Mar Curtay oo Hadana mar labaad Dib u Curtay waa Sidda u hadal u dhigi Cabdi Ileyee oo hada gobolka Sitti looga yaqaan (Cabdi Sitti Gudhiye)
Eriga DIB U Curasho Hadan si kooban u qeexno,waxaa loo Isticmaala dad iyo Duunyaba marka ay Hooyo ku Curato ilmaheega koobaad wiil iyo gabadh midkuu doono ha ahaato Sido kale Xoolaha nool Adhi iyo Ishinba waxaa loogu yeedha neefki Hebel wuxuu ku Curtay Weyl,Dibi,wan,Orgi iyo wixii la mid ah,markaan intaa isla fahanoo.
Waxaan is waydin karna in Hooyo mar ku Curatay Wiil ay hadana la yidhaahdo waxay dib ugu Curatay mar Labaad Gabadh? jawaabto waa Maya sido kale Xooluna waa la mid oo ma jiro neef mar Curtay oo Hadana mar kale Curtay.
Hadaba u jeedada dhabta ah ee u ka lahaa ina Iley waxay ahayd in u Gobolka Sitti ku beero kana shaqaysiiyo dad ay ina Iley isku hayd yihiin oo siyaasadi,dhaqaalihii,iyo dhamaan wixii nolol ka jiray gobolka loo gacan gashay dadka aan soo sheegnay ee ina iley ku keenay Qarabakiilka.
Gobolka Sitti oo ahaan jirey 7 Degmo hadana lagu sheego in u yahay 9 Degmo oo magac u yaal ah waxaa sagaalba ka musuul ah rag ay ina Iley qaraabo yihiin oo dadkii reer Sitti ka dhigey waxaa ay xidhaan,wax ay basaasan oon hadli karayn iyo wax gobolka uga firxay iyo qaar dhabana ahays ku jooga dhulkoogi hooyo.
Intaa waxaa dheer in gobolkii Sitti ee ahaan jirey gobolka ugu muhiimad weyn dhulka Soomaalida Ethiopia ay maanta ka qiimo iyo Qadarayn weyn tahay Zone Liibaan oo ka muuqata Siyaasada iyo saamiga ay Jig-jigga ku leedahay.
Horumar iyo Saami-qaybsi ha joogge waxaa gobolka si Doqoni ma garatay ah loogu wareejiyey degmooyin kale iyo Kilila soo duuley oo Oromo iyo Canfari hor mood ka yihiin, Goobihii horumarinta lagu sheegey sida biyo xidheenadi warbaahinta Dhaanto TV laga waday waxaa la soo sheegey in ay dhamaan noqdeen kuwa lagu khasaaray ka dib mar ay qaban waayeen biya roobaadkii ka da,ay dalka sababta ugu weyna waxaa la soo sheegey in ay ahaayeen in biyo xidheenada laga dhisay meelo taag ah oo ay biyaha roobku soo mari karayn Farsamo xumo iyo Xaasidnimo mid ay tahay wali ma cada laakiin waxaa laga dhereegsan yahay mashaariicda lagu cunay handi maalaayiin Doolaar ah.
Goobaha laga xusi karo in lagu fashilmay waxaa ka mid ah biyo Xidheeno laga dhisay goobahaa loo yaqaan,
1. Siisaluu; oo ka dirsan Degmada Afdam,
2.Kombi; oo ka dirsan Degmada Biki,
3.Maaldadaye; oo ka dirsan Degmada Erer,
Intaa waxaa dheer Mashaariicdi loogu magac daray dib u dajinta Degmooyinka Harowo,Hadhagaale,iyo Gabi ee ahayd in dib u dajin loogu samayn doono 8000 oo qoys oo Xoola dhaqanta Beeralay lagu sheegey oo ay waxba ka suurta galin.