Safiirkii Ruushka u fadhiyay Turkiga oo toogasho lagu dilay

December 19 (Xeernews24)— Safiirkii Ruushka u fadhiyay magaalada Ankara ee Caasimada Turkiga Mr Andrei Karlov ayaa toogasho lagu dilay.

Warbaahinta Turkiga ayaa sheegtay in Safiirka uu geeriyooday dhaawac ka soo gaadhay toogasho uu u geystay nin ku hubeysnaa bastoolad.
Safiirka Ruushka ayaa ku sugnaa meel madxaf oo ay ka socotay bandhig farshaxan, waxaana laga toogtay dhabarka dambe oo uu taagnaa, xilliga uu khudbad ka jeedinayay madxafka.
Waxaa la sheegay in ninkan wax dilay uu ku qeylinayay Allaahu Akbar iyo erayo ay ka mid ahaayeen joojiya Ha hilmaamin Aleppo, iyo kuwa kale.
Ninka ku hubeysnaa ayaa ka hor inta uusan toogan Safiirka taagnaa dhabarkiisa dambe, xilliga uu Safiirka khudbada jeedinayay.
Ciidamada Turkiga ayaa toogtay ninka dilka ka dambeeyay, waxaana ninka uu dhaawacay dhowr ruux kale oo ku sugnaa Madxafka ay ka socotay bandhiga Farshaxanka.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Turkiga ayaa tagay goobta lagu toogtay Safiirka Ruushka u fadhiyay magaalada Ankara.
Ciidamo badan oo isugu jira kuwa milateriga iyo ciidamada sida gaarka u tababaran ayaa ku sugan halkii lagu dilay Safiirka Turkiga, waxaana socda baadhitaano.