Waa la Badbaadin Karay Mashaqadi Buldhuqo!

Intaan qormadan guda Galin Horta Han ku horeyno Fasiiraad Koobaan oo ku saabsan Macnaha Eriga Buldhuq,
Buldhuq waa eri Af Soomaali caadi ah oo dadku wada yaqaan waanaa nuuq ka mid ah Kufista uu qofku sidaa caadiga ah u kufu waxaanaa Buldhu u kufa inta badan qof kolkii Horaaba socodku dhib ku ahaa oo Haduu mar Kufo aan kaligii soo kici karayn ila garbaha la soo qabto mooyaane sidaa dadka waayeel ah ama ilmahaa yar ee Socod baradka ah ama qof curyaan ah oo taageero joogta ah u baahan.
Waxaa jirta Magaalada Djibouti goob ku taal Quartier 7 oo lagu magacaabo Jago-Buldhuq oo la mid ah Buldhuqada Maanta laga Hadli Hadaad si hufan ugu guur gasho labadaa goobood iyo sababaha ay ugu bexeen Buldhuq waa isku mid .
Sidaa la sheego magaca Jaga-Buldhuq wuxuu soo shaac baxay saban u dalku ku jiray gacanti Gumaystaha Fransiiska goobtanaa waxaa soo degey qayb ka mid ah dadka reer Djibouti ee maanta oo sidaa hada jirta oo kalee ka soo hayaamay Abaaru daba dheeraaday oo degmada ka jiray iyo dad kalee oo ka soo badbaaday Gumaadkii magaalada Ayshaca oo soo miciin biday in ay Djibouti ku badbaadaan hooyooyinkii iyo caruurtii ragoogii iyo aabayaashood lagu gumaaday Aycasha ee soo degey Jaga-Buldhuq waxay noolol maalmeed ka raadsheen goobta ila maanta loo yaqaan Jaga-Buldhuq hooyooyinkaas waxay goobta ku iibin jireen Xawaash,iyo Hilib yar oo maalinle ah si ay ugu quudiyaan agoomaha ilaahay uga soo badbaashay xasuuqi Ayshaca.
Gumaystihii Fransiiska iyo dabadhilifyaadi la shaqayn jirey waxay dadka ku eegeen il xun oo cadaawadeed waxaana lagu soo kicin jiray baabuur jiibeeb ah iyo kuwa gaashaaman oo askar xoogan la socoto waxayna dadk dhibta iyo dhagarka ka soo hayaamay kula kici jireen jidh dil cadaadin iyo Raaf oo dalka ayaa laga masaafurin jiray, kala firixii ay naftooda la firxaayeen markay baabuurtu ku soo baxdo ayaa keenay kacaa-kuf iyo daaladhac waanaa sababta loogu baxashay jaga-Buldhuq.
Buldhuqada Maanta ee ku Taal Xaafad weynta Balbala dadweynaha ku nool waa dad siddi kuwii aan ka soo sheegeyne ay raad weyn ku reebeen noloshooda Abaaraha dagaalad sokeeye iyo nolool iyo cadaalada xumada ka jirta Djibouti waxay ku soo buldhuq yidhaahdeen oo ay dantu ku qasabtay goobta ay ugu magac dareen Buldhuqo halkaas oo loogu geystay dhibta u gaalkii Fransiiskuna ka xishoon lahaa.
Mashaqadi ka dhacday goobta Buldhuqo waxay ahayd arin Siyaasadeed oo la badbaadin karay haddi masgax caafimaad qabta iyo caqli fayoow loo adeegsan lahaa.
Ciyaartii Siyaasadeed ee dalka ila maanta ka socoto waxay lahayd ama soo martay wajiyo fara badan waxay kooxa macaaradka iyo dawladuba is hor dhigayeen sul daarooyin ay qolaba qolada kale u dhigeysay waxaa socday dacaayado maalinba heer joogey waxaanad muudaysay in dawlada laga fadala cad-cadda markaad eegto xaga af-tahannimada aqoonta,xirfada siyaasada iyo ilbaxnimada halka ay dawladu istimaalay xoog iyo ku jiqsii oon haba yaraatee xalad iyo xiisa lahayn,dadka qaarkiina ku caajisaayeen Kubaha Macaaradku Ciyaaray waxaa ugu xisaa badnayd markay fanaanada caan ah ee Nimca Jaamac ka soo direen North Amerika ee ay dalka soo gashay arintaas oo dadka wax saadaaliya u argayeen gantaal siyaasadeed oo wadaadadu ka soo rideen qaaradda Amarika si dawlada Djibouti argagax siyaasadeed loogu rido meelaha qaarna way ku guuleysteen macaaradku oo ficiiladda dawlada ayaa cadayn karay in laga gacan sareeyey xaga dacaayadda.
Nimaca Dalka ayay soo gashay waxaana loogu soo dhaweeyey si aan IOG loo soo dhawayn ka dibna Nimca afka ayay furatay oo wax Alla waxay doonto ayay dawalda ka sheegtay siday Canada uga hadli jirtay si kaasi kulul ayay dawlada u weerartay weerarka Nimco dawladu waxay kaga jawaabtay aamuus iyo dhegga la,aan waa marka qudha ee la odhan karay dawladda Djibouti waxay macaaradka ka dhalisay Gool xarago iyo qurux badan Nimco markay ay joogta in ka badan 3 bilood ee juuq loo celin waayey waxay ku laabatay halkay ka timid waxayna dawlada Djibouti u hayd guul siyaasadeed oo waliba xerfadaysan.
Mar kale ayay ciyaarti ku bilaaban tahay wali kale oo ah Ziyaaraddi Sheekh Hebel ah dawlada ayaana markan soo leeday kubadan Ziyaarada waana meeshi ay dawlada Djibouti candhashka dhulka ku jiiday haday iyaaduu kubandan soo leeday waxay ahayd in ay beel walba u samayso ama ugu tala gasho in dawladu meel ugu samayso beelaha ay rabto macaaradkana u ogolaato in ay goobta ay doonaan iyo goorta ay doonaan dhigtaan Ziyaaru macaaradku hormood ka yahay dawladuna fasax ama ruqsad siiso ka dibna sidaa qola walba ku dhamaysato Ziyaara beeleedkeega waxayna dawlada u hayd gool kale oo macaaradka ka dhaliyeey laakiin macal asaf waxaa ka dhacay dhagarti ugu xumayd ee soo martay taarrikhda Djibouti soo jirtay marka laga reebo tii ka dhacay sannadkii 1991-kii ee xaafada Arxiiba oo ceebtaan oo kale ka raacday dawlada Djibouti.
Ila maantana ma jirto cid qaadatay masuuliyada labada dhacdo ee ku suntan taarrikhda Djibouti iyo dawladnimadeeda mana jirto aduunka dawlad intay dadkeega layso aan waxba la iska waydin !!!!