Dawlada Itoobiya Oo Sii Daysay Ku Dhawaad Toban Kun Oo Maxaabiis Ah

Dire-dhaba(XeerNews24)Dec.21,2016-

Dawladda Itoobiya ayaa sheegtay in ay sii daysay ku dhawaad 10 kun oo maxaabiis ah oo la qabtay intii lagu gudo jiray xaaladda dagdag ah ee la soo rogay bishii tobnaad ee sanadkan.
Ku xigeenka afhayeenka dawladda Zadig Abraha ayaa arrintaas u xaqiijiyay BBC.
2,500 oo ruux oo kale ayaase lagu soo oogi doonaa dambiyo la xidhiidha daganaansho la’aan.
Xukuumaddu waxay sheegtay in kuwa la sii daynayo la siiyay tabobarro khaas ah si loo xaqiijiyo in aysan mardambe ugu dhaqmin “dabeecad burburin ah”
Itoobiya oo raaligalin ka bixisay khariirado khaldan oo ardayda la baray
Dhimashada dibadbaxyada Itoobiya
Itoobiya oo xannibaada ka qaaday diblomaasiyiinta
Dadka xiran intooda badan waxay ka soo jeedaan gobolka Oromada iyo kan Amxaarada halkaas oo ay muddo bilooyin ah ka jireen mudaahaardyo iyo Kacdoon lagu diidanaa takoor dhanka siyaasadda iyo dhaqaalaha ah ee ay ku hayaan xukumada Tigreega tira yar.
Xaaladda ayaa dagtay tan iyo markii uu dhaqan gashay xaaladda dagdaga ah.