aawo Sawirada: Ragii ka Dambeeyay Afduubkii loo geestay Diyaarada Afriqiyah oo la xiray

Ciidamada booliiska Jaziirada Malta ayaa xira labo nin oo la rumeesan yahay in ay ka dambeeyeen afduub shalay loo geestay Diyaarad Afriqiyah ee laga leeyahay dalka Liibiya oo xiligaasi ku guda jirtay duulimaad gudaha ah.

Diyaaradda oo nooceedu ahaa A320 ayaa waday 118 rakaab ah, waxa ayna Diyaarada oo laga leeyahay dalka Liibiya xiligaasi ku guda jirtay duulimaadka magalaooyinka Sabxa iyo Tripoli , kahor inta aan la weecin duulimaadka diyaaradaasi.

Raga Afduubtay diyaarada oo ahaa labo nin ayaa sheegay in ay wataan bambaano, waxa ayna ku amreen Duuliyaha diyaarada in uu ka dejiyo garoon kuyaala Jaziirtada Malta, waxa ay raga afduubayaasha sidoo kale sheegeen in ay yihiin Taageerayaasha Hogamaiyihii Liibiya ee la dilay Qadaafi.

Ciidamada booliiska ayaa xiray labada nin ee afduubka ka dambeeyay kadib matkii ay isku dhiibeen ciidamada amaanka, waxa ayna ciidamada ragaasi oo jeebeesan ula dhaqaqaeen xabsi gaar ah si ay baaritaano ugu sameeyaan.

Rakaabkii saarnaa diyaardaa la afduubtay lagana dejiyay Jaziirada Malta ayaa la sheegay in dhamaantood ay bad qabaan marka laga reebo qal qal soo wajahay intii ay Diyaarada hawada ku jirtay Afduub ahaantana loo heestay.