Cali Khaliif Galeyr oo sheegay marnaba inaysan suuragal aheyn inay ku biiraan Somaliland

 

Cali Khaliif Galeyr oo sheegay marnaba inaysan suuragal aheyn inay ku biiraan Somaliland26 December 2016

Madaxweynaha Maamulka Khaatuma Cali Khaliif Galeyr oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in aysan marnaba  ku biiri doonin maamulka Somaliland.

Hogaamiyaha Maamulka Khaatuma ayaa sheegay in aysan ku darsami doonin Somaliland ,laakiin ay doonayaan oo kaliya in ay noqdaan labo maamul oo daris ah.

Waxaa uu sidoo kale sheegay in ay been abuur tahay Wararka sheegaya in khaatumo ay doonayso in ay ku biirto Somaliland.

“War anaga nagama mudna, hadaanu isla jaanqaadnay Maamulkayaga Khaatuma kuma milmayo maamul Somaliland la yiraahdo, War maamulkaasi hadii aan noqoneyno labo Maamul oo deris ah, danbaa na iska kaaya badee, aanu ku heshiino waxyaabo badan.” Ayuu yiri Cali Khaliif Galeyr

Maamulada Khaatumo iyo sidoo kale Somaliland ayaa bilihii lasoo dhaafay waxaa u socday wadahadalo , waxaana wararka ay sheegayeen in khaatumo ay doonayso in ay ku biirto Somaliland.

Somaliland ayaa  horay u sheegtay in maamulka Khaatuma uu ka taliyo dhul ay leedahay Somaliland.