Sargaal Sare oo Si Faahfaahsan uga Faalooday Gabood Falyada ka Dhaca DDSI

Laanta afka Amxaariga ee idaacada VOA-da ayaa wareysi dheer oo ku saabsan ismaamulka Soomaalida sii deysay. Wareysiga oo laga qaaday shaalaqe Cali Samire Sigad ayaa aad u dheeraa islamarkaana taabtay gabood-falyo xoog leh oo sarkaalku ku nuuxnuusaday inay ka dhaceen DDSI. Waxaa aan halkan ku soo koobaynaa qaybihii ugu muhiimsanaa wareysiga. hoosna waxaad ka dhageysan kartaa wareysigii oo dhamays-tiran.
Waa kuma shaalaqe Cali Sigad?
Cali waxa uu ku dhsahay islamarkaana ku barbaaray degmada Dirdhabe halkaas oo uu waxbarashadiisa ku qaatay. Waxaa kale oo waxbarasho sare oo iyo tababar la xidhiidha booliska federaalka ah ee dalka uu ku qaatay Addis Ababa. Sigad ayaa muddo 11-sano ah ka soo shaqeeyey degmada Dirdhabe isaga oo xilal kala duwan ka qabtay booliska federaalka ah. Waxa uu noqday madaxa hay’ada dambi-baadhista iyo taliyaha xarunta booliska ee Diridhabe.
Sidoo kale, sarkaalku waxa uu u shaqeeyey urur aan dawli ahayn oo lagu magacaabo ‘World Vision Ethiopia’ oo muddo 5 sano ah uu u qaabilsana dhanka amaanka. Cali ayaa tilmaamay in shantaas sano uu fursad u helay inuu ka shaqeeyo goobo DDSI oo ka baxsan gobolka Shiniile oo uu intii hore ku koobnaa. Sarkaalka ayaa hadda ku sugan mid ka mid ah wadamada dariska ah oo sababo la xidhiidha amaanka aan loo sheegi karin.
Gabood-falyo badan ayaa dhacay
Sarkaalka ayaa u sheegay idaacada VOA-da in uu goob-joog u ahaa tacadiyo dhanka xuquuqda aadanaha ah oo DDSI ka dhacay. Waxa uu tusaale u soo qaatay in dadka sabab la’aan la dilo, xabsiga la dhigo islamarkaana jidh-dil loo geysto. Sarkaalka ayaa xusay in uu markasta ka soo horjeeday dulmiga noocaas ah islamarkaana kala hadlay saraakiisha ka sareysay ee booliska federaalka ah. Waxa uu intaa ku daray, in isaga jeelka la dhigay muddo ku dhow hal sano isaga oo aan waxba galabsan.
Cali Sigad ayaa xusay in uu dalka ka soo cararay markii uu u adkeysan waayey dulmiga lagu hayo bulshada Soomaalida ah iyo markii naftiisu khatar gashay. Cali ayaa si gaar ah u taabtay sida uuna raaliga uga ahayn colaada Itoobiya dhax-dhigtay Soomaalida iyo Canfarta. Waxa uu sheegay in dad uu ku jiro ay soo bandhigeen in khilaafka dhanka dhulka ah, ee dhaxeeya Soomaalida iyo Canfarta, si dhaqan ah loo xaliyo. Waxa la soo jeediyey in ugaaska beesha Ciise iyo suldaanka Canfartu hawsha dhaxgalaan.
Shalaaqe Sigad ayaa si gaar ah u eedeyey madaxweyne, Cabdi Maxamuud Cumar, iyo ku-xigeenkiisa C/xakiim Cigaal oo ka soo jeeda soonka Shiniile. Labadan masuul ayuu ku sheegay inay fulinayaan hawsha EPRDF islamarkaana khatar u arkeen qorshihii sarkaalka iyo dadka la midka ahi ay xalka ku baadi-goobayeen.
Mar la weydiiyey sida uu ku ogaaday gabood-falyada uu sheegayo, waxaa uu ku jawaabay inuu sarkaal dawladeed ahaa oo siyaabo kala duwan uu xogta ku helay. Waxaa uu taxay dhowr goobood oo uu sheegay in dil wadareedyo ka dhaceen iyada oo halkaas ay ciidamada dawladu ku dileen boqolaal qof. Meelaha uu carabka ku dhuftay waxaa ka mid ah: agagaarka Baabile, degmada Qabridahare, Qabri-jeeraar, Wardheer iyo goobo badan oo gobolka Shiniile ah.
Dayuurado la adeegsaday
Shaalaqaha ayaa sheegay in dad ku dhaw 800,000 ay gobolka ka qaxaeen iyaga oo ku sugan wadamada dariska ah; kumaakum qof ayaa sabab la’aan loo dilay; waxaa xabsiyada ku jira dad kor u dhaafay boqol kun. Waxaa kale oo uu tilmaamay in haweenka la kufsado.
Mar la weydiyey sababta tacadiga loo geystay, waxa uu ku jawaabay in dawladu sabab ka dhiganayso la dagaalanka ururka ONLF oo 2007-dii dagaal ku qaaday goob laga baadho shidaalka oo ku dhaw Cobolle oo ah tuulo ka tirsan degamada Dhagaxbuur ee gobolka Jarar.
Inkastoo Cali sheegay inay khalad tahay in khayraadka dalka la baadho iyada oo aan lala tashan dadweynaha, waxa uu dhanka kale xusay in dadka tacadiyada loo geystay ayna badankoodu wax shaqo ah ku lahayn jabhada ONLF.
Waxyaabaha yaabka leh ee sarkaalku sheegay waxaa ka mid ah in ciidamadu diyaarado u adeegsadeen laynta geel badan oo shacabka xoolo-dhaqatada ahi leeyihiin.
Sarkaalka ayaa xukuumada EPRDF ku eedeyey inay dalka ku xukunto siyaasada ah qaybi oo xukun. Waxaa uu tusaale u soo qaatay in dawladu ka shaqaynayso isku dhaca qoomiayadaha Oromada, Soomaalida, Canfrta iyo Axmaarada.
Sigad ayaa ku tilmaamay ciidanka gaarka ah ee Liyuuga cadowga bulshada Soomaalida. Waxaa kale oo u xusay in ciidankaas loo adeegsado si la isaga horkeeno Oromada iyo Soomaalida. Sarkaalka ayaa tibaaxay in cutubyo ka mid ciidanka Liyuuga loo daadguriyey dhulka Axmaarada oo kacdoon ka jiro.
Masuulka ayaa DDSI ku tilmaamay xabsi weyn korka ka banaan, isaga oo si gaar ah jeel Ogaadeen ugu sheegay ‘jahanabo’ ama cadaab.
Waxa aan u baqaya qoyskayga
Shaalaqaha ayaa sheegay inuuna war u hayn xaalada qoyskiisa oo weli dalka ku nool islamarkaana uu aad ugu cabsanayo wareysigan dartiis. Waxa uu sheegay in dad badan loo ciqaabo waxyaabo ay rumaysan yihiin dad ehalkood ahi oo meelo kale ku nool. Waxaa u tusaale u soo qaatay in mudahaarad ka dhacay Australia loo qabqabtay dad wadanka gudahiisa ku sugan oo dibadbaxa aan waxba kala socon. Shaalaqe Cali ayaa VOA-da u sheegay dilkii injineer Faysal Cagjar oo uu xusay in gaadhi looga tuuray waxyaabo walaalkii Facebook-ga kaga hadlay. Faysal walaalkii ayaa dilka ku eedeyey masuuliyiinta ugu sareysa maamulka DDSI
Jawaabta Itoobiya
VOA-da ayaa sheegtay inay isku deyday inay wareysato masuuliyiin DDSI, balse ay ku guuleysan kari weyday. Waxa ay idaacadu xustay in xitaa madax ka tirsan booliska Dirdhabe ay taleefanka ku dhigeen markii ay ogaadeen inay yihiin VOA-da.
Idaacada ayaa nasiib u heshay inay eedeymaha DDSI loo soo jeediyey ka wareysato wasiirka warfaafinta ee Itoobiya- Lencho. Madaxa xidhhidhka ee Itoobiya ayaa si kooban u sheegay in xogaha uu hayaa tilmaamayaan in xaalada DDSI ka soo raynayso isaga oo tusaale u soo qaatay horumarka laga gaadhay dhanka biyaha. Waxaa kale oo uu sheegay in hadii wax dhibaato ahi jirto daraasad lagu samaynayo islamarkaana xal loo raadinayo. Lencho ayaa xusay inay dadweynuhu aad u ixtiraamaan dawlada gobolka.
Lencho ayaa ku guubaabiyey idaacada inay wararkeeda miisaanto oo fursad siiso dhinacyada kala duwan.
Waxaa sheegid mudan, in dad badan oo lid ku ah siyaasada DDSI ay fursad u helaan inay ka hadlaan warbaahinta xorta ah iyo ta mucaaradka oo loo jeediyo dadka ku dhaqan Itoobiya. Fursadaha warbaahinta ee kooxahan helaan ayaa culays ku noqon karta madaxda DDSI oo laga yaabo in xilligan ay ka baaran-dagayaan sidii looga gaashaman lahaa.

Xigasho:Shiniilenews