Ethiopia oo Qiratay in u Wal Bahaar ka Haysto Xagga War Baahinta

 
ADDIS ABABA (XeerNews24)

Wasiirka warfaafinta ee Itoobiya, Negeri Lencho, ayaa garwaaqsaday Wal bahaarka xagga saaxafada dalka ka jirta isaga oo sheegay in dib loo eegayo warfaafinta dalka si khaladaadka jira loo saxo.

Wasiirka oo maanta ka jawaabayey su’aalo laga weydiiye aqalka baarlamaanka Feedaraalka ayaa sheegay inay jiraan dhaliilo  dhanka kobcinta awooda shaqaalaha. Waxaa uu wasiirku dhalillay habka warka loo tabiyo oo uu ku sheegay mid wakhtigan xaadirka ah la socon karayn.

Warbaahinta dalka ayey badankeeda xukuumadu leedahay ama maamusha. Waxaa jira dhowr ilood oo sheegta inay madaxbanaan yihiin siada WIC, Fana iyo The Reporter, laakiin dhamaan waxaa lala xidhidhiya inay gacan-saar la leeyihiin dawlada, gaar ahaan xisbiga TPLF.

Lencho ayaa sheegay in cilmi-baadhis lagu guda jiro si loo daboolo meelaha la tabayo ay warbaahinta dawladu leedahay.

Waxaa xusid mudan, in wargeysyo tiro badan ay adeegoodi xidheen kadib markii ay la socon kari waayeen xeerarka dawlada oo u muuqda kuwa xakamaynaya in si xor saxaafadu u shaqayso.

Dadweynaha Itoobiya ayaa ku tiirsan saaxafada dalka dibadiisa iyo kuwa mucaaradka si ay u helaan xogo la xidhiidha waxyaabaha dalka ka dhacaya oo warbaahinta dawladu daboosho.

Ismaamulka Soomaalida ayaa leh ESTV iyo mareegta Cakaara oo labdaba ay DDSI maamusho. Wararka laga sii daayo warbaahinta DDSI ayaan u muuqan kuwo soo jiidasho kana fog xaqiiqda ka jirta maamulka Soomaalida waxay  oo u badan yihiin daacayad loo samaynayo xukuumada. Ismaamulka kama jiraan ilo-wareedyo madaxbanaan oo dadweynuhu ka heli karaan xogo ka duwan kuwa dawladu baahiso.

Wasiirka ayaa sheegay in laga shaqaynayo meel-marinta xeer ka kooban 3 qodob oo suurtgalinaya in saaxafadu si xor ah u shaqayso. Waxa uu intaa ku daray, in la kaashanayo wasaarada arrimaha dibada si warka dalka loo gaadhsiyo qurba-joogta.