Wararkii u dambeeyay khasaaraha weerar ka dhacay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga

 

 

January 1 (XeerNews24)

Ku dhawaad 35 ruux ayaa ku dhimatay weerar ka dhacay baar lagu caweeyo oo ku yaala magaalada Istanbul ee dalka Turkiga, sida uu sheegay gudoomiyaha magaalada Istanbul.

Dadka ku dhintay baarka waxaa ku jira mid kamid ah saraakiisha ciidamada booliska, waxaana weerarka lagu tilmaamay inuu ahaa mid argagixiso.

Sidoo kale ku dhawaad 40 ruux ayaa ku dhaawacantay weerarka ka dhacay Baarka Reina ee magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.

“Weerar argagixiso oo loo adeegsaday hub culus, si wuxushnimo u dhacay ayuu ahaa, dadka waxba meysan haleyn waxay u dabaal dagayeen sanadka cusub” sidaasi waxaa warbaahinta goobta ugu sheegay Mr Vasip Sahin gudoomiyaha magaalada Istanbul.

Baarka ayaa ku yaala dhinaca Yurub ee magaalada Istanbul, maadaama magaalada Asia iyo Yurub u kala qeybsan tahay.

Goobta weerarka uu ka dhacay ayaa waxaa ku kulma dad badan oo kaliya Turki aan u aheyn, maadaama uu ahaa baar weyn, waxaa tagi jiray dadka ajaaniibta ah.

Waxaa socdo baadhitaano laamaha amaanka ay sameynayaan oo ku aadan qaabka weerarka uu u dhacay.