Bal adba Akhriso wixii gobalka Sitti laga qabti waa dakhli ururso,16 xidhmo,sugita nabad galiyada iyo wax aan la fahmayn

 

Erar(Cakaaranews) Talaado 3da January 2017. Sidaan wada ogsoonahayba wadan walba horumarkiisa iyo dhaqaalihiisaba wuxuu ku xidhanyahay Dakhliga usoo xarooda ,sidaa darteed waxaa sanadihii u danbayay kor u kacay dakhliga usoo xarooda deegaanka, kadib markii la xoojiyay ilaha dakhliga wacyigalinta bulshada, waxsoosaarka beeraha, iyadoo waliba Shaqo abuur loo sameeyay dhalinyarada DDSI ee kasoo qalinjabinaya jaamacadaha kala duwan ee dalka.

Hadaba maareeyaha wakaalada dakhliga degmada erar ee gobolka siti mudane Xasan Ismaaciil Maxamuud oo u waramay shabakada wararka ee cakaaranews ayaa sheegay inay wadaan dardargalin lagu xoojinayo qorshayaasha nidaamka dakhli aruurineed ee ka degmo ahaaneed iyo wakaalad ahaaneedba maadaama sanadku uu kala badh yahay, islamarkaana loo baahan yahay in la hirgaliyo qorshaha dakhli ee loo qabtay inay soo saarto degmadu sanadan 2009TI. Wuxuuna maareeyuhu intaa kudary in loo baahanyahay inuu shaqsi walba oo muwaadin ah uu kaalintiisa uu ku leeyahay canshuurta si ficil ah ooga qaybqaato islamarkaana isku dhiirigaliyaan bixinta canshuurta maadaama canshuurtu tahay mida kali ah ee lagu horumarin karo dalkeena iyo deegaankaba, Sidoo kalena tahay mid dalka iyo deegaankuba kaga mid noqon karo wadamada dhaqaalahoodu dhexdhexaadka yahay islamarkaana aan kaga hortagi karno cadowgeena koobaad ee sobaalnimadka

(Sitti waxay u bahaa tahay Cadaalada,Hurumrinta,xaga wax barashadda ,caafimaadka,jidadka,Baad iyo Biyo ku filan oo ay xoolohu helaan,sugita Xuduudaha ay la leedahay maamulada canfarta iyo Oromadda,dib dajin,horumarinta beeraha, iyo in ay dadka reer sitti  ka shaqeeyaan dhulkooga oo maanta ku jira gacan dad kale oo si hayb ahaaneed lagukeenay gobolka Sitti)