Daawo Sawirada Dawladda Shiinaha oo Saadaalin jid Tareen oo isku Xidhi doona shine iyo England

 

Shiinaha ayaa bilaabay howlgelinta khad tareen oo si toos ah u tagi doona magaalada London, tareenkii ugu horeeyay ayaana hadda wadada galay.

Tareenka ayaa ka dhaqaaqay magaalada Yiwu oo ku taalla bariga dalka Shiinaha isagoo wada xamuul isugu jira dhar, boorsooyin iyo alaabada kale ee guryaha.

Wuxuu magaalada London tagi doonaa muddo labo todobaad gudahood ah isagoo jaraya masaafo ka badan 12,000 oo km, waxaana wadada tareenkan loo sameeyey ay sii mari doontaa illaa todoba dal ka hor inta uusan gaadhin London, kuwaasoo kala ah Kazakhstan, Russia, Belarus, Poland, Germany, Belgium iyo France.

Badecadaha ganacsi ee tareenkan ayaa la saari doonaa tareenno kale oo jooga goobaha ay ku kala wareegaan tareennadu kuwaasoo u sii kala gudbin doona dalal kale oo ku yaalla Qaarada Yurub.

Adeegani wuxuu ganacsatada alaabada dhoofisa siin doona hannaan u dhexeeya midka ay alaabadooda maraakiibta saaraan oo raqiis ah balse wakhti dheer qaata iyo midka dhakhsaha badan ee diyaaradaha xamuulka la adeegsado oo qaali ah.

Shiinaha ayaa sanadihii u dambeeyay sare u qaaday ballaadhinta khadadka tareenada ee sida tooska ah u taga magaalooyin Yurub ku yaalla, arrintaas oo qayb ka ah mashruuc ay ugu yeedhaan New Silk Route.